3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 20, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb-galay Xuska 75aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed


Khamiis, December, 20, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliy Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qayb-galay xuska sannad guurada 75aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu madasha ka jeediyey waxa uu kaga warbixiyey dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib loogu xoojinayo laamaha ammaanka, iyadoona tayo iyo tiro ahaanba la kordhiyey Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

“Waxaan dooneynaa in aan qalabayno Ciidankeenna geesiyaasha ah oo aan siinno wax kasta oo ay u baahan yihiin si ay u gutaan waajibaadkooda, waxaa intaas dheer in aan xaqiijinno xuquuqdooda, haddii ay tahay mushaar, caafimaad iyo xuquuq kale. Geesiyaasha ina ka shahiidana annaga ayay masuuliyad naga saaran tahay nolosha carruurtoodu.”

Madaxweynaha oo la dardaarmayey Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa yiri: “Waxaan idinka rabnaa in aad kasbataan shacabka, waxa keliya oo aad ku hanan kartaanna waa caddaaladda. Qofka dulman ee idiin yimaada waa in uu caddaalad idinka helaa, caddaaladduna idinka ayay idinka bilaabataa.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa salaan ka qaatay cutubyo kala duwan oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kuwaas oo gaardis ku maray garoonka kubadda cagta ee Banaadir oo lagu qabtay munaasabadda xuska sannad guurada 75aad ee aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Sidoo kale, kooxaha baambeyda, isboortiga, baarista dambiyada, ka hortagga qaraxyada, fannaaniinta iyo agoonta Booliiska ayaa dhoolatusyo kala duwan soo bandhigay intii ay munaasabaddu socotay.

Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaaashi Cabdullaahi, Xubno ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, saraakiisha iyo dhammaan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, diblumaasiyiin ka socday safaaradaha kala duwan ee dalka iyo kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
12/20/2018 2:44 PM EST
Khamiis, December, 20, 2018 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Koonfur Galbeed.

12/20/2018 2:32 PM EST
Khamiis, December, 20, 2018 (HOL)- Kulanka Khamiislaha ah ee golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta uu guddoomiyay ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu meel mariyay wax ka bedel lagu sameeyay sharciga iibka qaranka.

12/20/2018 11:35 AM EST
Khamiis, December, 20, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa qoraal ka soo baxay waxaa in markii uu dhinacyo badan ka eego mooshkii dhawaan laga keenay madaxweynaha dowladda Soomaaliya ugu danbeyntii go'aan lagu gaaray in laga tanaasulo mooshinka.

12/20/2018 11:04 AM EST
Khamiis, December,20, 2018 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Muqdisho ay soo gaareen lagu-na soo dhaweysay wafdi uu hogaaminaayo Xassan Nuur Xasan Wasiir ku xigeenka Wasaaraddda Isboortiga Kenya.

12/20/2018 6:12 AM EST
Khamiis, December, 20, 2018 (HOL)- Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilalkii looga qaaday guddoomiyayaashii degmooyinka Buula-burte iyo Jalalqsi ee gobolka Hiiraan, waxaana wareegtada lagu magacaabay guddoomiyayaal cusub.

12/20/2018 5:31 AM EST
Khamiis, December, 20, 2018 (HOL)-Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ciidamadii ka joogay Suuriya ay halkaasi kala soo bixi doonto.

12/20/2018 1:41 AM EST
Khamiis, December, 20, 2018 (HOL)- Hagaajinta amaanka duulista hawadda iyo xaalada guud ee wadanka ayaa sababtay in shirkaddo caalami ah bilaabaan duulimaadyo toos ah oo ay ku imanaya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho.

12/20/2018 1:40 AM EST
Khamiis, December, 20, 2018 (HOL)- Hagaajinta amaanka duulista hawadda iyo xaalada guud ee wadanka ayaa sababtay shirkaddo caalami ah bilaabaan duulimaadyo toos ah oo ay ku imanaya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho.

12/20/2018 1:15 AM EST
Khamiis, December, 20, 2018 (HOL)- Odayaasha deegaanka Ceel afweyn ayaa gacanta dawladda ku soo wareejiyey laba qof oo ku eedeysan gacan ku dhiigle deegaanka Dararweyne qof socota ah ku dilay, taas oo muddo laga sugayey inay odayaashu soo qabtaan dambiileyaashaasi.

12/20/2018 12:34 AM EST
Khamiis, December, 20, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’addaha kala duwan ee dowladda ayaa lagu wadaa in ay maanta ka qeybgalaan xuska 75 sano guuradii ka soo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.