3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 20, 2018
Guddoomiye-yaal loo magacaabay degmooyinka Buula-burte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan

 

Khamiis, December, 20, 2018 (HOL)- Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilalkii looga qaaday guddoomiyayaashii degmooyinka Buula-burte iyo Jalalqsi ee gobolka Hiiraan, waxaana wareegtada lagu magacaabay guddoomiyayaal cusub.

Labo Wareegto oo ka soo baxday xafiiska wasiirka ayaa si rasmi waxaa xilka Gudoomiyaha Degmada Buuloburte loogu magacaabay Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi halka Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi loo Magacaabay Maxamed Nuur Cagajoof

Akhriso magacaabista guddoomiyayaasha cusub :

  

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 

 

 













Click here
12/20/2018 2:44 PM EST
Khamiis, December, 20, 2018 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Koonfur Galbeed.

12/20/2018 2:32 PM EST
Khamiis, December, 20, 2018 (HOL)- Kulanka Khamiislaha ah ee golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta uu guddoomiyay ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu meel mariyay wax ka bedel lagu sameeyay sharciga iibka qaranka.

12/20/2018 11:35 AM EST
Khamiis, December, 20, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa qoraal ka soo baxay waxaa in markii uu dhinacyo badan ka eego mooshkii dhawaan laga keenay madaxweynaha dowladda Soomaaliya ugu danbeyntii go'aan lagu gaaray in laga tanaasulo mooshinka.

12/20/2018 11:04 AM EST
Khamiis, December,20, 2018 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Muqdisho ay soo gaareen lagu-na soo dhaweysay wafdi uu hogaaminaayo Xassan Nuur Xasan Wasiir ku xigeenka Wasaaraddda Isboortiga Kenya.

12/20/2018 8:29 AM EST
Khamiis, December, 20, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qayb-galay xuska sannad guurada 75aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.

12/20/2018 5:31 AM EST
Khamiis, December, 20, 2018 (HOL)-Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ciidamadii ka joogay Suuriya ay halkaasi kala soo bixi doonto.

12/20/2018 1:41 AM EST
Khamiis, December, 20, 2018 (HOL)- Hagaajinta amaanka duulista hawadda iyo xaalada guud ee wadanka ayaa sababtay in shirkaddo caalami ah bilaabaan duulimaadyo toos ah oo ay ku imanaya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho.

12/20/2018 1:40 AM EST
Khamiis, December, 20, 2018 (HOL)- Hagaajinta amaanka duulista hawadda iyo xaalada guud ee wadanka ayaa sababtay shirkaddo caalami ah bilaabaan duulimaadyo toos ah oo ay ku imanaya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho.

12/20/2018 1:15 AM EST
Khamiis, December, 20, 2018 (HOL)- Odayaasha deegaanka Ceel afweyn ayaa gacanta dawladda ku soo wareejiyey laba qof oo ku eedeysan gacan ku dhiigle deegaanka Dararweyne qof socota ah ku dilay, taas oo muddo laga sugayey inay odayaashu soo qabtaan dambiileyaashaasi.

12/20/2018 12:34 AM EST
Khamiis, December, 20, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’addaha kala duwan ee dowladda ayaa lagu wadaa in ay maanta ka qeybgalaan xuska 75 sano guuradii ka soo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.