Khamiis, December,
20, 2018 (HOL)- Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ciidamadii ka joogay
Suuriya ay halkaasi kala soo bixi doonto.
Ma jirto waqti caayiman oo arrintan loo
qabtay,balse mid ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in muddo 100
maalmood gudahood ah ay dalkooda ku soo laaban doonaan.
Madaxwayne Trump ayaa bartiisa Tweetarka ku soo
qoray in kooxda la baxday dowladda Islamka ee IS looga adkaaday dalka Suuriya
islamarkana taasi ay ahayd sababtii ciidamada halkaasi loo geeyay.
Balse qaar ka mid ah xubnaha Kongreska ee xisbiga
Jamhuuriga ayaa cambaareeyay go'aankan.
Dagaalka ka dhanka ah kooxda la baxday dowladda
Islamka ee gudaha Suuriya ayaa imika soo yaraaday.
Waxa ay ku sugan yihiin oo kali ah qaybo yar oo
ka tirsan Koonfur bari dalkaasi Suuriya.
Madaxwayne Trump ayaa sheegay in kooxda IS looga
adkaaday gudaha Suuriya islamarkana ciidamada halkaasi laga soo saari doono.
Saraakiisha Mareykanka kalama aysan cadayn tirada
ciidamada Mareykanka ee laga soo saarayo halkaasi iyo waqtiga rasmiga ah, Mareykan
ayaa waxaa Suuriya ka jooga 2000 oo askari.
Wararka qaar ayaa sheegaya in sida ugu dhaqsiha badan ciidamada haalkaasi
looga soo saari doono.
Shaacinta warkan lama filaanka ah ayaa waxaa cambaareeyay qaar ka mid ah
madaxda Mareykanka.
Marco Rubio oo ah Sanatar ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in
tallaabadani ay minjaxaabinayso dadaalada nabadda.
Mr Rubio ayaa intaa ku daray in haddii ciidamada Mareykanka laga soo saaro
Suuriya ay taasi hoos u dhigayso galaangaalka Mareykanka uu ku leeyahay
arrimaha Suuriya.
Balse xubno ka mid ah saraakiisha amniga qaranka ee madaxwayne Trump ayaa
su'aal galiyay go'aanka in Mareykanka uu ciidamada kala soo baxo Suuriya.
Xigasho BBC