4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 20, 2018
Garoonka Aadan Cadde Airport oo marti-galinaya duulimaadyo heer caalami ah

 

Khamiis, December, 20, 2018 (HOL)- Hagaajinta amaanka duulista hawadda iyo xaalada guud ee wadanka ayaa sababtay in shirkaddo caalami ah bilaabaan duulimaadyo toos ah oo ay ku imanaya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho.

Said Eliye,oo ah Agaasimaha howlgalada iyo xiriirka caalamiga ah ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in ay jiraan shirkaddo caalami ah oo wada hadal ku jira si duulimaad toos ah uga bilaabaan Muqdisho.

‘’Waxeynu xoogga saareynaa sidii aynu ku heli laheyn Madaar ama Garoon amaan ah iyo adeeg wanaagsan iyo nabad-gayo, iyada oo la kaashanayo AMISOM Amniga ayaa wax badan laga qabtay ayuu yiri’’ Said Eliye

Hadalka ayuu sheegay kaddib markii ay diyaaradaha Kenya Airways bilaawday duulimaad toos ah oo noqonaya Muqdisho iyo Nairobi.

Kenya Airways ayaa noqoneysa diyaaradii saddexaad ee caalami ah oo dulimaad toos ah ka bilaawday Muqdisho, iyadoo horay ay u jireen diyaaradaha Turkish Airlines iyo Ethiopian Airlines oo horeyba u bilaabay duulimaadyadooda Muqdisho.

Eliye ayaa sheegay Qatar Airways iyo shirkado ganacsi oo ka socda Masar, Imaaraadka Carabta, Sacuudi Carabiya iyo Uganda ay muujiyeen xiisaha ay u qabaan duulimaadyada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]