4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 2 , 2018
Madaxweyne Farmaajo : George HW Bush wuxuu ahaa nin dowladeed oo dhab ah

Axad, December, 02, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska uu ka geeriyooday madaxweynihii hore ee Mareykanka George HW Bush iyo shacabka Marekanka.

Madaxweyne Farmaajo, waxa uu ku tilmaamay George HW Bush nin dowladeed oo dhab ah oo ka go’an nabadda adduunka iyo ilaalinta dimuqraadiyadda.

"Anigoo ku hadlaya magaca Shacabka Soomaaliyeed, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska Bush iyo shacabka Mareykanka geerida Madaxweynihii hore ee Mareykanka George H.W. Bush". ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo boggiisa twitterka ku baahiyay farrinta tacsida ah.

George HW Bush ayaa geeriyooday saacadda dalkaasi marka ay ahayd 22:10 oo ku beegneyd subixii Sabtida wakhtiga bariga Afrika, sida uu sheegay afhayeen u hadlay qoyska.

Wuxuu ahaa madaxweynihii 41-aad ee Mareykanka sanadihii 1989-kii iyo 1993-dii.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]