4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 2 , 2018
Askari lagu weeraray magaalada Laascaanood

 

Axad, December, 02, 2018 (HOL) – Nin la sheegay inuu ku hubaysnaa bastoolad ayaa nin askari ah ku dhaawacay magaalada Laascaanood caawa, kaas oo lagu daaweynayo isbitaalka.

Ciidanka Booliska ayaa raadgoobay ninka falka geystey oo goobtaas ka baxsaday kadib markii ciidan halkaas ka dhawaa ay rasaas ku soo rideen sida ay goobjoogayaal u xaqiijiyeen HOL.

"Waxaan maqlay xabad dhacday xiligaas oo aan fadhiyey Hotel Rays hadaan kacnay aniga iyo dhawr kale waxaan maqalay rasaas, waan gabanay waxyar ka dibna waxaan aragnay ninka dhaawaca oo meel dhow yaala, mase cadayn karayn wixii kale ee dhacay iyo in aan arkaayey ciidan sii ordaya oo halkii la sheegay ninka wax diley inuu maray u sii socda" Maxamed Cabdi Cali ayaa sidii Hiiraan u sheegay.

Saraakiisha ciidanka booliska oo aan la xidhiidhnay qaar ka mid ah waxa ay sheegeen in ay hawlgal ku jiraan, noomase sheegin in la qabtay.

Askarigan la toogtey ayaa gaadh ka hayey mid ka mid ah hotelada badanaa madaxdu wax ka cunaan, waxaana ay tani kaga duwan tahay dhacdooyin badan oo noocan ah iyadoo isla goobtaas ay ciidan boolis ahi ku dhowaayeen.

Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool