4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 2 , 2018
Agaasime ka tirsanaa Wasaarradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo Qarax lagu dilay

 

Axad, December, 02, 2018 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxay Qarax gaari lagu soo xiray oo galabnimadii maanta ka dhacay Isgoyska Sayidka waddadda Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay in lagu dilay bartilmaameedkiisu-na ahaa Agaasime ka tirsanaa Wasaarradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya kaa oo magaciisa lagu sheegay Saciid Jaamac.

Goobta uu Qaraxa ka dhacay waxaa tagay ciidamada Ammaanka oo fariisimmo ku leh isla Isgoyska Sayidka waxaana wakhti kooban hakad gallay isku socodka gaadiidka goobta uu qaraxa ka dhacay.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Wasaarradda Boosatada iyo Isgaarsiinta oo la xiriira dilka mas’uulkan la sheegay in uu ka tirsanaa Wasaarradda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]