4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 2 , 2018
Somaliland oo ka hadashay eeddo uga yimid madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaaliya ee Itoobiya

 

Axad, December, 02, 2018 (HOL) – Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka hadlay eeddo uga yimid madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar oo sheegay Somaliland iyo maamul goboleedyada Soomaaliya rag deegaankiisa ku kacsan u baxsadeen qaarkoodna ka soo abaabulayaan falal argagixiso.

Somaliland ayaa madaxweyne Cagjar ka dalbatay inuu raali galin ka bixiyo eedaasi uga timid, isla markaana aanu carqaladayn xidhiidhka labadda dal.

“Somaliland waxa ku dhex qabsoomi wayday wax-yaalihii lagala soo baxsaday  deegaanka Soomaalidda oo tii ugu yarayd ahayd Bajaaj, dalka Bajaaj ku dhex qabsoomi wayday wax kale oo ka wayni ku dhex qabsoomi mayso, dawladda Somaliland siyaasadeeda  midna maaha  in dalalka jaarka ah inay u hayaan  oo ku masruufaan dad dawladaha jaarka  yihiin ka soo horjeedda,  argagixisada  geeska afrika ku faafayna hal kiis oo argagixisa ah oo uga  gudbay xadka noo dhexeeyaana ma jirto, Somaliland waxay  ku adag tahay oo soo xoojinaysaa xidhiidhka labada dal, madaxweynaha dawlad deegaanka waxaan leeyahay nagama kaa qabato  in labada dal arrin noocaas ah aad ku tilmaamto waxanu jecel nahay inuu arrintaasi dib u saxo”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Kaahin.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in xidhiidhkii Somaliland iyo Itoobiya wax iska bedelay aanu jirin,isla markaana sidii ay u wada shaqayn jireen uun wada shaqeeyaan.

Waxa kale oo uu ka hadlay mawqifkii xisbiyada mucaaradku ka istaageen dib u dhaca doorashadda, waxaanu sheegay in aanay is qabanin inay doorashada doonaan, kuwii doorashada qabanayeyna diidaan oo la kala diro, waxaanu tilmaamay in guddida doorashooyinka wakhtigoodii wali ka dhamaan oo sanad u hadhsan yahay.

“guddida doorashooyinka xisbiyada iyo golaha Guurtida iyo madaxweynuba xubnay magacaabaan, cidii doonaysa qofkii ay magacabeen inay mid kale ku bedeshaan xaq bay u leeeyihiin oo imikaba way jirtaa xisbi xubintiisii dib usoo celiyey”ayuu yidhi Kaahin isagoo u jawaabaya xisbiyada mucaaradka ah.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.