4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 2 , 2018
Qarax gaari lagu soo xiray oo goor dhaw ka dhacay Muqdisho

 

Axad, December, 02, 2018 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya Isogyska Sayidka Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhaw uu halkaa ka dhacay Qarax gaari lagu soo xiray.

Goobjoogayaal ayaa Hiiraan Online u sheegay in qaraxan uu ku dhintay inta la og yahay ilaa iyo hadda darawalkii wadday gaariga.

Lama oga sababta gaariga loo bartilmaameedsaday iyo shaqsiga la weeraray balse inta badan qaraxyada noocan ah ee gaadiidka lagu soo xiro ayaa lagu weeraraan mas’uuliyiinta dowladda, saraakiisha iyo shaqsiyaadka magaca ku dhax leh bulshada, kuwaa oo siyaabo kala duwan loogu dilay weerarro noocaan oo kale ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]