4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 2 , 2018
Hoggaamiyaha Jabhada ONLF oo gaaray magaalada Jigjiga

 

Axad, December, 02, 2018 (HOL) – Boqolaal ruux oo ka mid ah dadka ku nool magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa soo dhaweeyay wafdi uu hor-kacayo hoggaamiyaha guud ee Jabhada ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Dhamaan jidadka muhiimka ah ee magaalada Jigjiga ayaa lagu xardhay calanka dowlad deegaanka Soomaalida, sidoo kalana dadka ayaa sitay calaamado muujinayay sida ay ugu faraxsan yihiin dib ugu soo laabashada magaalada hoggaanka sare Jabhada ONLF.

Hoggaamiyaha Jabhada Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa sheegay in halganka ay ku jiraan uu soo bilaawday sida uu hadalka u dhigay waqtigii Axmed Gurey, islamarkaana uu sii socon doono ilaa laga gaarayo hadafka laga leeyahay oo ah gobanimo iyo caddaalad waa sida uu hadalka u dhiggay.

 

Dib ugu soo laabashada Itoobiya madaxda sare ee ONLF ayaa timid kaddib markii heshiis ay kala saxiixdeen Ururka iyo dowladda Itoobiya oo lagu soo gabagabeeynayay halgankii hubeysnaa ee mudadda dheer ay ku soo jirtay Jabhada.

 

Dhowaan ayaa boqolaal ciidamada jabhada ONLF waxa ay soo gaareen magaalada Jigjiga kadib markii uu ururka ONLF ahaa mid dagaal ku dhufo ka dhaqaaq ah kula jirey dowlada Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]