Kumanaan qof oo daweyn iyo Indho fiiqis bilaash ah loogu sameeyey Isbitaalada Gaalkacyo
Axad, December, 02, 2018 (HOL) – Mashruuc isugu jiray
daweynta cudurrada indhaha, bixinta ookiyaalasha aragga iyo indho fiiqis
bilaash oo ay ka faa'iideysteen kumanaan ruux ayaa laga fuliyey laba Isbitaal
oo ku yaalla labada dhinac ee woqooyiga iyo Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee
gobolka Mudug.
Howshan samafalka ah oo soconeysay muddo 30 cisho ah ayaa
dadka ka faa’iideystay waxay u badan yihiin barakacayaal iyo dad danyar ah
kuwaasoo aan wax lacag ah laga qaadin haba yaraatee sida uu sheegay Agaasimaha
heyadda Al-Nuur Founditon Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo hogaaminaya dhaqaatiirta
fulineysa Mashruucan.
Dr. Dalmar ayaa xusay in howshan samafalka ay dalka qeybo
ka mid ah ka soo wadeen sanadihii la soo la soo dhaafay, ayna rajeynayaan in
sanadaha soo socda ay gaarsiiyaan degaano cusub.
“Hirgelinta howshan samafalka ah waxaa iska kaashanaya
dhaqaatiir Soomaali iyo ajnabi leh oo ka tirsan Heyadda Al-Nuur Foundation
Somalia oo aan madaxda u ahay iyo heyadda caalamiga ah ee dhaqaatiirta aan
Xuduuda laheyn (MSF) Medecins Sans Frontier iyo wasaaradaha caafimaadka ee
Puntland iyo GalMudug" ayuu yiri guddoomiye Dalmar.
Waxaa uu intaa ku daray dhaqtarku in Mashruucan oo isugu
jiray Baaritaano, daaweyn, bxiinta ookiyaalaha arragga iyo indho fiiqis ay ka
faa;iideysteen dad aad u fara badan.
"Qeybta hore ee mashruucan waxaan ka fulinay
Isbitaal-gobleedka Mudug ee Woqooyiga Gaalkacyo waxaan baaritaan iyo daweyn u
sameynay dad gaaraya 3,617 qof, waxaana indhaha loo fiiqay 227 kale, qeybta
labaadna waxaan ka wadnaa Isbitaalka Gaalkacyo ee dhinaca Koonfurta Gaalkacyo,
waxaa baaritaan iyo daweyn loo sameeyey 2,117 qof, iyadoo indhaha loo fiiqayo
275 kale, isugeynta labada dhinac ee Gaalkacyo waxay gaareysaa 5,734 oo
baaritaan loo sameeyey iyo 502 qof oo indhaha loo fiiqay" ayuu yiri Dr.
Dalmar oo intaas ku daray in dadka ka faa’ideystay mashruucan ay ka kala
yimaadeen degaanada hoos taga Galmudug iyo Puntland, wuxuuna hoosta ka xariiqay
in mashruucan uu yahay mid lacag la’aan ah oo loogu adeegayo bulshada
Soomaaliyeed.
Dr. Dalmar ayaa xusay Sanadkan sii dhamaanaya ee 2018-ka
ay si bilaash ah indhaha ugu fiiqeen dad gaaraya illaa afar kun oo qof oo ku
kala sugan Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood, isagoo intaas ku daray in
mashruucan samafalka ah ay sanadka soo socda gaarsiin doonaan magaalooyin kale.
Waxaan u mahad celinayaa heyadda caalamiga ah ee MSF oo
fududeysay taaba-galka mashruucan, dhaqaatiir ka socotay dalka Pakistan iyo
shaqaalaha Isbitaalka Al-Nuur oo iyana gacan ka geystay iyo maamulada Puntland
iyo iyo Galmudug ee Gaalkacyo oo la'aantood aysan suuragasheen howshan
samafalka ah ee bulshada loogu adeegayo" ayuu sidoo kale intaas ku daray
Dr. Dalmar.
Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo ee ay Maamusho Heyadda
Mudug Development Organization iyo kan woqooyiga magaaladaas oo ay maamusho
wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa Mashquul fara badan maalmahan laga
dareemayey, waxaana buux dhaafiyey dad u badan kuwo da’ah oo isugu jiray rag
iyo haween kuwaasoo ka faaideysanayey baaritaano, daweyn iyo qaliimo bilaash ah
oo loo sameynayey.
Dadka sida bilaashka ah uga faa’iideystay mashruucan
samafalka ah qaarkood oo saxaafada la hadlay iyagoo wajiyadooda ay ka muuqatay
farxad ayaa sheegay in loo sameeyey daweyn iyo qaliimo ay u baahnaayeen, aysana
jirin wax qarash ah oo laga qaaday, iyagoo ku tilmaamay Dr. Dalmar halyay u
taagan u adeegista bulshada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, waxayna u
mahad celiyeen Maamulka Isbitaalka indhaha Al-Nuur iyo hey’adihii kale ee
gacanta ka geystay howshan waxtarka leh.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]