Hannaanka Wada-tashiyada Xeer-nidaamiyeyaasha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo la furay
Axad, December, 02, 2018 (HOL) – Hay’adda
Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u daah-furtay hannaanka
wada-tashiga xeer-nidaamiyeyaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka, iyadoo
munaasabaddaasi ay ka soo qeyb galeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso.
Maareeyaha HIQ, Md. Cabdi Sheekh Axmed ayaa
sheegay in hannaanka wada-tashiyadu ay yihiin nidaamka ay Hay’addu u mari
doonto marka ay soo saareyso xeerar lagu nidaamiyo adeegyada noocyada kala
duwan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada, dadweynaha iyo daneeyeyaasha kalena
looga dalbanayo inay talooyinkooda ku biiriyaan ka hor intaanan la
dhaqan-gelinin.
Maareeyaha ayaa intaasi ku daray in Hay’addu soo
diyaarisay xeer-nidaamiyeyaal iyo dokomintiyo kale oo ay ka mid yihiin Habraaca
Sharciyada (Rules of Procedures) oo qeexaya sida loo soo gudbin karo talooyinka
la xiriira xeer-nidaamiyeyaasha, Xeer-nidaamiyaha Lambarrada (Numbering
Regulation), Xeer-nidaamiyaha Isku-xirka (Interconnection Regulation), iyo
Ogeysiiska Dadweynaha ee Xeer-nidaamiyaha Isku-xirka (Public Notice),
Waajibaadka iyo Qaabka ay u ekaaneysoo rukhsadda shirkadaha Isgaarsiinta
(License Template – Telecom Company), Jaantuska Qoondeynta Hirarka Qaranka
(National Frequency Allocation Table), iyo Tilmaamaha Fasaxa Qalabka electronic
ee dalka lagu adeegsanayo (Type Approval Guidelines) oo loogu talo galay in lagu
kontoroolo tayada qalabka electroniga ah ee dalka lagu adeegsanayo.
“Waxaan dareensanahay in fekerka hay’ad suuqa
nidaamisa (regulator) ay dalkeena ku cusub tahay. Waxaa sidoo kale wax cusub ah
in hay’addaas ay soo saarto xeer-nidaamiyeyaal dadweynuhu talo ka dhiiban
karaan. Sidaasi darteed, waxaan ka codsaneynaa in daneeyeyaasha oo dhan ay soo
gudbiyaan talooyinkooda, qaab waafaqsan Habraaca Sharciyada, mana aha oo kaliya
inaan dhageysaneyno shirkadaha isgaarsiinta oo kaliya,” ayuu yiri Maareeyuhu.
Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Md. Cusmaan Guuleed
iyo Guddoomiyaha Guddiga Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka, ayaa labaduba ku
bogaadiyay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka inay billowday dhaqan-gelinta Sharciga
Isgaarsiinta Qaranka, iyadoo u mareysa xeer-nidaamiyeyaal.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay
Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Md. Maxamuud Xayir iyo Wasiirka Warfaafinta,
Dhaqanka & Dalxiiska, Md. Daahir Maxamuud Geelle, oo sheegay in
wasaaradahoodu ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaaradda Boostada iyo Hay’adda Isgaarsiinta
Qaranka maadaama ay jiraan dhinacyo badan oo ay iska kaashan doonaan sida
canshuuraha iyo maareynta hirarka, sida uu qabo Sharciga Saxaafadda Soomaaliya
oo sheegaya in marka Wasaaradda Warfaafintu rukhsadda siiso shirkad
warbaahineed in Wasaaradda Boostadu ay siin doonto shirkaddaas hirarkii ay ku
shaqeyn lahayd.
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta &
Teknolojiyada oo si rasmi ah u furay wada-tashiyadan ayaa ku ammaanay
hoggaanka, Guddiga iyo shaqaalaha HIQ sidii ay ugu guuleysteen inay dhisaan
hay’ad awood u leh inay gudato waajibka ka saaran nidaaminta suuqa
isgaarsiinta.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in isgaarsiinta ay
ahmiyad gaar ah u leedahay Xukuumaddan maadaama ay tahay mid saameyn ku leh
dhammaan qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha iyo nolosha dalka. Wasiirka oo
arrintaas tusaale ka bixinaya ayaa yiri “shirkadaha waxay ka faa’iidayaan in ay
ka baxaan fowdadii suuqa ka jirtay; macaamiisha waxay ka faa’iidayaan inay
helaan adeeg wanaagsan sida in shirkaduhu isku xirmaan oo hal taleefoon aad
kula hadli karto dalka oo dhan, dawladduna waxay ka faa’iidi doontaa in
dakhligeedu uu kordho, kaasoo qeyb ka mid ah dib loogu celinayo suuqa si loogu
dhiso kaabayaasha isgaarsiinta,” ayuu yiri wasiirku.
Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay qeybaha
kala duwan ee ay saameyn karaan xeer-nidaamiyeyaasha isgaarsiinta iyo
teknolojiyada, sida shirkadaha isgaarsiinta dalka oo ay ka mid yihiin: Hormud,
SomTel, NationLink, Golis, SomNet, iyo SomLink; Ururka Bankiyada Soomaaliyeed
iyo xubnahooda; shirkadaha diiwaangeliya dotSO, shirkadaha telefishinada,
ururrada jaamacadaha, iyo wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee xiriirka la leh
xeerarkan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]