4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 2 , 2018
Koox hubeysan oo ganacsade ku dishay deegaanka Ceelasha Biyaha ee dulleedka Muqdisho

 

Axad, December, 02, 2018 (HOL) –Wararka ka imanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan barkhanimadii maanta toogasho ku dileen ganacsade siweyn looga garanayay deegaanka.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in rag ku hubeysnaa bastoolado toogasho ku dileen marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cumar Arbacoow oo ka mid ahaa ganacsadatada deegaanka.

Kooxda toogashada geystay ayaa markiiba ka baxsaday goobta ka hor inta aysan halkaa tagin ciidamada dowladda Soomaaliya.

Lama oga sababta keentay dilka marxuumka, hasse ahaatee dhowr jeer oo hore deegaanka Ceelasha biyaha waxaa siyaabo kala duwan loogu dilay dad rayid rayid ah iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]