Erdogan oo codsaday in loo soo gacan geliyo dadka looga shakisan yahay dilka Jamaal Khaashuqji
Axad, December, 02,
2018 (HOL) – Recep Tayyip Erdogan Madaxweynaha Turkiga, ayaa ka codsaday
dowladda Sucuudi Carabiya inay usoo gacan geliso dadka ku sugan dalkaasi ee
looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen dilka weriye Jamaal Khaashugji.
Recep oo ka hadlayay shirka dalalka ku horumaray
dhaqaalaha ee ka socday Argentina ayaa sheegay in arrinta Khaashuqji aanan
loogu talagelin in shirka looga hadlo balse ra’iisul wasaaraha Canada, Justin
Trudeau oo kaliya ah ayaa kulanka kusoo hadal qaaday dhacdada ku aadan
Khaashuqji.
Dowladda Sucuudiga ayaa 11 qof u xirtay dilka
balse ma jiraan go’aan ay dadkan ugu dhiibeyso Turkiga.
Madaxweynaha Turkiga Erdogan wuxuu si wayn ugu
murugeysan yahay jaawabta uu Sucuudiga ka bixiyay dilka Jamaal Khaashuqji.
Wuxuu ku eedeeyay mas’uuliyiinta Sucuudiga inay
hayaan been iyo hadallo is-burinayo isla markaasna ay baddalayaan sida ay wax u
dhaceen ayna diideen inay macluumaad la wadagaan baarayaasha Turkiga.
Wuxuu sheegay in dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed
Bin Salmaan uu kulanka madaxda G20 ka sheegay ‘sharraxaad aanan la rumeysan
karin’ oo ku aadan dilka Khaashuqji.
Maxamed Bin Salmaan ayaa ku dooday in
boqortooyada aanan eedeymo loo jeedin karin tan iyo inta laga caddeynayo
dambiga.
Xigasho BBC