4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 2 , 2018
Dhagax-yo lagu jaray Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho

 

Axad, December, 02, 2018 (HOL)–Dhagax-yo waaweyn ayaa habeennimadii xalay xiray Isgoyska mashquulka badan ee Zoobe gaar ahaan halka ay gaadiidku ku kala wareegaan oo ay ku taalo tallaada 14ka October oo lagu maamuusayo Qaraxii sanadkii hore ka dhacay Isgoyska.

  Amarka lagu dhigay Dhagax-yadan isgoyska ayaa waxaa bixiyay maamulka gobolka Banaadir, waxaana ay ujeedadu tahay in lagu yareeyo saxmada iyo ciriiriga Isogyska oo ah mid ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho.

Markiiba waxaa tallaabadan ka hor yimid oo cabasho ka keenay darawalada gaadiidka dadweynaha oo sheegay in ay dhibato ku tahay soo marista wareeg dheer oo waqti badan kaga lumayo.

Darawalada ayaa sidoo kale sheegay in dhagaxaanta lagu gooyay waddada aysan waxba soo kordhin doonin, laakiin ay sii kordhin doonaan oo kaliya cariiriggii markii horeba ka jiray waddadan.

Isogyska ayaa waxaa lagu xasuustaa Qaraxii 14kii October ee sanadkii tagay ee 2017da kaa oo galaaftay nolasha Boqolaal ruux oo rayid u badnaa.

Dowladda ayaa sheegtay in tallaabadan ay u qaaday si ay u yareyso saxmada Isogyska oo loo sababeey-nayo in tiro dad ah oo ka badan 600 oo ruux sanadkii hore halkaa ku dhintaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]