Axad, December, 02, 2018 (HOL)– Kulan
wada hadal ah oo ay yeesheen Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo dowladda Hoose ee
Columbus Ohio ayaa lagu qabtay Isbitaal Capital Park Family Healthcare Cente,
Halku dhiga kulankan ayaa ahaa " Aan wada hadalno" Lat's Talk.
Kulankan oo ay soo abaabuleen dowlada Hoose Ujeedkiisa ayaa
ahaa sidii loo abuurilahaa is dhexgal, iyo in Jaaliyadda Soomaaliyeed ay si
dhab ah ula xariiri karaan hay'adaha dowlada, iyo in xal loo helo cabashooyinka
jaaliyadda oo ay ka mid tahay sidii loo dabagali lahaa sababta keentay dilalka
dhalinyarada Soomaaliyeed iyo cida ku lugta leh, in lala shaqeeyo dhalinyarada,
arimaha waxbarashada, Guryaha, dhiirogalinta Ganacsiga, la dagaalnaka
daroogada iyo qodobo aad u baddan.
Xubnaha la kulmay Soomaalida oo ah xubnihii ku soo baxay
doorashadii u danbaysay waxa ay ka jawaabayeen sidii ay Soomaalidu codkooda u
siiyeen iyo in ay yihiin dad hal abuur iyo koriimo dhaqaale oo muuqda ku leh
gobolka.
Waxa kulankan qeyb ka ahaa wadahadalo iyo su'aalo gooni
gooni ah oo la weydiinayay masuuliyiintii ka socday dowlada iyada oo dhanka
Soomaalida Madaxdii u hadashay bogaadiyeen kulankan isla markaana ay sheegeen
in Soomaalida Ohio dagta aysan ahayn kuwo cayr qaata balse ay yihiin kuwo
bixiya canshuurta waliba Tiro aad u sareysa.
Madaxda ayaa si gooniya ula shiray dhalinyarada waxayna is
barasho kadib ku dhiirogaliyeen in ay yihiin mustaqbalkii gobolka sidaa
darteedna ay ka qeyb qaataan Amniga, dhismaha iyo isdhexgalka, kana
faaiideystaan fursadaha yaala gobolka oo qeyb ay tahay in ay ku soo biiraan
siyaasada iyo xaafiisyada dowlada oo ay iminka ka shaqeeyaan shaqsiyaad kooban
dhanka Soomaalida.
Hay'ado, Ururo, iyo Ganacsato ayaa fursad u helay in ay
madaxda kala hadlaan caqabadaha ku gadaman howlahooda iyaga oo helay balan qaadyo
qurux baddan.
Masuuliyiinta ka socda dowlada Hoose iyo mida gobolkaba waxa
ay u badnaayeen dhalinyaro ku soo baxay doorashooyinkii u danbeeyay iyaga oo
xiligii ay ordayeen codkooda weydiistay Soomaalida kuna soo baxay.
Kulankan oo xiiso gooniya u lahaa Soomaalida iyo dowlada
Hoose waxa uu abuurayaa wada shaqeyn dhow oo ay labada dhinac yeeshaan.
Deeqo Shire (SONNA)