4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 2 , 2018
Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed ’’ Wey jiraan musharixiin hub iyo ciidan ku dhex- heysta Baydhabo

 

Axad, December, 02, 2018 (HOL)– Iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in qaar ka mid ah musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed hub iyo ciidammo la galleen gudaha magaalada Baydhabo ayaa waxaa arintaan ka hadlay Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Xassan Cabdi Maxamed.

Wasiirka ayaa sheegay in uu jiro warka ku saabsan musharixiin hub iyo ciidamo ku heysta magaalada Baydhabo isaga oo ku fasiray ciidamadaa in ay yihiin kuwo musharixiintu ay ku sugayaan Amnigooda.

‘’Haa weyn jiraan in musharixiinta qaarkood ay hub iyo ciidammo intaba ay magaalada u joogaan, waayo waad dad mas’uuliyiin ah oo horay xilal u soo qabtay, waad ogtihiin Al-shabaab iska daa mas’uuliyiinta ee xitaa waxey dhibateeyaan haweenka iyo caruurta, sidaa daraadeed musharuxu in uu amnigiisa sugto wax dhib ah malaha’’ ayuu yiri Wasiirka.

Dhinaca kale waxaa uu meesha ka saaray wararka sheegay in ay jiraan musharixiin ay gadaal ka riixeyso dowladda federaalka, waxaana uu sheegay in looga baahan yahay musharixiintu in ay ku qancaan go’aanka Golaha Shacabka.

‘’Marka sidan Olalaha loogu jiro musharixiintu wey is eedeeyaan hebel dowladdaa wadata iyo wax –yaabo la mid ah ayaa soo baxa, laakiin ugu danbeyntii xildhibaannada ayaa codkooda lagu kala baxayaa, halkaa ayaa loo baahan yahay in musharixiintu ku qancaan’’ ayuu yiri Wasiir Xassan.

Doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa mar kale dib loo dhiggay waxaana lagu waddaa in ay dhacdo 19ka bishan December.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]