4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 19, 2018
Madaxweynihii Labaad ee maamulka Koonfur Galbeed oo goor dhaw la doortay

 

Arbaco, December, 19, 2018 (HOL)- Waxaa soo dhamaaday wareegii koowaad doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo uu ku guuleystay Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-Gareen oo helay codadka ugu badan xildhibaannada Baarlamaanka.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ee codadka dhiibtay ayaa ahaa 147-Xildhibaan, waxaana doorashada wareega koobaad Musharaxii hela sadex meelood meel ku guuleesanayay doorashada , waxaa jiray codad badan oo halaabay.

Xildhibaan Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa haley codadkii la dhiibatay 101 cod helay, halka musharaxa ku soo xigay oo ahaa Aadan Saransoor 22 cod, halka musharixiinta kale , Ibraahim Macalin Nuuroow ,  Sayid Axmed Sheekh Daahir 4 cod, Xusseen Cismaan Xusseen oo helay 2 cod.

Guusha Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa horeyba loo sii saadaalinayay waxaana maalmihii ugu danbeeyayba jiray tuhun la xiriiray in dowladda Soomaaliya taageero mug leh siineyso Cabdicasiis Lafta-Gareen oo maanta ugu danbeyntii noqday madaxweynaha labaad maamulka Koonfur Galbeed. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]