3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 19, 2018
Isbadal lagu sameeyay hogaanka ciidamada Uganda ee AMISOM

 

Arbaco, December, 19, 2018 (HOL)-Uganda ayaa isbeddel ku sameysay hoggaanka Ciiidamada ka jooga Soomaaliya ee Howlgalka AMISOM qeybta ka ah.

Taliyaha qeybta 5aad ee Ciidanka Difaaca waqooyi Uganda Brig Michael Kabango ayaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Uganda ka jooga Soomaaliya in uu noqdo.

Kabango waxaa uu xilka kala wareegayaa general Paul Lokech oo Sanad ka hor xilkaasi Muhanga Kayanja kala wareegay.

Brig Richard Karemire Afhayeenka ciidanka difaaca Uganda ayaa xaqiijiyay arrinkaan ka dib wareysi khadka telefoonka uu ku siiyay Talaadadii majaladda Daily Monitor ee Uganda ka soo baxda.

Wuxuu sheegay in Brig Kabango bishaan loo magacaabay xilkaasi uu ka qabanaayo Soomaaliya ciidamadooda jooga.

"Wuxuu yahay askari aad ay u wanaagsan tahay xirfadiisa ciidannimo, aad iyo aadna ugu adag shaqadiisa," ayuu yiri Brig Karemire.

Ergeyda Ciidanka Uganda ee Soomaaliya ayuu horay u ahaa Taliyan cusub ee magacaaban isaga oo sidoo kale ahaa Taliyaha qeybta 5aad ee Ciidamada Difaaca waqooyi ee Uganda sida ay tilmaamayaan wararka.

Uganda ayaa u mahad celisay taliyihii hore ee Ciidanka Uganda ee Soomaaliya Jeneraal Lokech, oo ay ku tilmaantay in uu ahaa nin shaqo fiican qabtay.

Waxaa la xaqiijiyay in Taliyaha cusub uu soo gaaray Magaalada Muqdisho, isagoo dhawaan xilka kula wareegi doono Sarkaalka uu badalayo.

Dowladda Uganda ayaa ah dalka ay Ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlka Amisom qeybihiisa kala duwan, Uganda inka badan lix kun oo askari ayaa ka joogta Soomaaliya

 Nurre Mohamed Ali ,Hiiraan Online
[email protected]













Click here
12/19/2018 2:47 PM EST
Arbaco, December, 19, 2018 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya , Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyay shir lagu daah furayay qorshaha horumarinta qaranka ee 2020-2024 kaas oo gundhig u noqonaya horumarka la doonayo in dalku gaaro muddda shan sano gudahood ah.

12/19/2018 2:43 PM EST
Arbaco, December, 19, 2018 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa oo ay wehliyeen wasiirro, taliyaha ciidanka booliiska iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta gurmadka deg-degga ah ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed (Otto Otto) oo dib loo dhisay.

12/19/2018 2:40 PM EST
Arbaco, December, 19, 2018 (HOL)- Wasiirka Qorasheynta oo uu wehliyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda iyo Madaxa Hay’adda muhaajiriinta Aduunka International Organization Immagracration (IOM) ayaa maanta si rasmi ah Xariga uga jaray Xafiiska Soomaaliya Hay’addan.

12/19/2018 2:37 PM EST
Arbaco, December, 19, 2018 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,Cabadullaahi Goodax Bare ayaa maanta ku soo dhaweeyay Xafiiskiisa Safiirka Cusub ee dawladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya Danjire Khalafallaah Mustafa Baabikir, waxa ay kawada hadleen xiiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyo labada dal.

12/19/2018 2:33 PM EST
Arbaco, December, 19, 2018 (HOL)- Diyaar garowgii ugu dambeeyay oo ku aadan xuska aas-aaska Booliska Soomaaliyeed ayay wadaan qeybaha kala duwan ee ciidamada Booliska oo xiligan laga joogo 75 sano.

12/19/2018 7:31 AM EST
Arbaco, December, 19, 2018 (HOL)- Cabdi Casiis Xassan Maxamed Lafta -Gareen ayaa maanta ku guuleystay doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed isaga oo ku guuleytay wareegii horeba 101 cod oo noqoneysa guushii ugu ballaarneyd oo musharax madaxweyne maamul gobolleed uu wareega horeba gaaro doorashada.

12/19/2018 5:48 AM EST
Arbaco, December, 19, 2018 (HOL)- Waxaa soo dhamaaday wareegii koowaad doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo uu ku guuleystay Cabdicasiis Lafta-Gareen oo helay codadka ugu badan xildhibaannada Baarlamaanka.

12/19/2018 4:39 AM EST
Arbaco, December, 19, 2018 (HOL)-Waxaa goor dhaw si rasmi ah u bilaabatay codeynta wareegii koowaad ee doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

12/19/2018 3:55 AM EST
Arbaco, December, 19, 2018 (HOL)- Wafdi ka tirsa dowladda federaalka Soomaaliya oo uu horkacyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa goor dhaw gaaray hool doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya

12/19/2018 1:08 AM EST
Arbaco, December, 19, 2018 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha dhexe gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Galboole ayaa sheegaya in Al-shabaab goob fagaaro ah ku toogteen sarkaal sida ay sheegeen ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

12/19/2018 12:05 AM EST
Arbaco, December, 19, 2018 (HOL)-Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 19ka bisha December xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa sida qorsuhu yahay ku dooranaya madaxweyne magaalada Baydhabo.