4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 19, 2018
Al-shabaab oo meel fagaaro ah ku toogatay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda

 

Arbaco, December, 19, 2018 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha dhexe gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Galboole ayaa sheegaya in Al-shabaab goob fagaaro ah ku toogteen sarkaal sida ay sheegeen ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maxkamadda Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegtay in sarkaalkan wada shaqeyn ay kala dhaxeysay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ka howlgalla gudaha Soomaaliya.

Sarkaalka ayaa la toogtay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Cali Maxamed oo ku magac dheer Kartoon.

Al-Shabaab ayaa horay deegaanada ay maamulaan uga fuliyay dilal toogasho rag ka tirsan ciidanka dowladda iyo dad ay sheegaan inay yihiin basaas u shaqeeya reer Galbeedka iyo dalalka deriska ah.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Shabeellaha dhexe oo la xiriira shaqsigan la sheegay in uu ka tirsanaa ee toogashada lagu fuliyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]