4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 19, 2018
Xildhibaannada Koonfur Galbeed oo maanta madaxweyne dooranaya

 

Arbaco, December, 19, 2018 (HOL)- Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 19ka bisha December xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa sida qorsuhu yahay ku dooranaya madaxweyne magaalada Baydhabo.

Ilaa shan musharax ayaa u tartami doonno xilka madaxweynaha oo ay xildhibaannadu kala saari doonaan, waxaana doorashadan ka maqan oo aan ka qeybgali doonin Mukhtaar Rooboow oo 13kii bishan ay soo xirtay dowladda Soomaaliya kana mid ahaa musharixiinta looga hadal heynta badnaa doorashada xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyay waxaana sugaya nabad-galyada ciidamada dowladda, AMISOM iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Wixii warar ah ee doorashadan ku soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]