4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 18, 2018
Kenya Airways oo billowday duullimaad ay toos ugu tageyso Muqdisho

Talaado, December, 18, 2018 (HOL)- Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa maanta billowday adeegga duullimaadka ee toos isugu xiraya magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, in kastoo horay ay dib ugu dhigtay howlgalkaas.

Go'aanka ay shirkaddan diyaaradeed ee ay leedahay dowladda Kenya ugu dhawaaqday adeeggan cusub ayaa astaan kale u ah sida ay Kenya kalsooni ugu sii yeelaneyso amniga hawada Soomaaliya.

Horraantii sannadkan ayey mas'uuliyiinta dowladda Kenya ugu dambeyn aqbaleen in dib loo billaabo duullimaadyada tooska ah ee u dhexeeya caasimadaha Kenya iyo Soomaaliya, ka dib markii ay wada hadal yeesheen labada madaxweyne ee kala ah Uhuru Kenyatta iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Bale bishii la soo dhaafay, Kenya Airways ayaa si lama filaan ah dib ugu dhigtay daah furista duulimaadyada tagaya Muqdisho, iyadoo sheegtay iney xannibeen shuruudo aysan ka tallaabsan karin.

Waxaa sidoo kale soo baxay warar sheegayay in maamulka Muqdisho ay ku qanci waayeen markii loo sheegay in diyaaradda howlgalkaas billaabeysa aysan lahayn qeybta adeegyada khaaska ah leh.

Iyadoo ay xitaa taasi jirtayna, Kenya Airways ayaa hadda ku dhawaaqday in duullimaadyadeeda Muqdisho aadaya ay ahaan doonaan kuwo aan lahayn adeegyada khaaska ah ee loogu tala galay dadka aan rabin iney diyaaradda ka raacaan qeybta shacabka.

Shirkadda ayaa sidoo kale bixisay shati ay wada shaqeyn kula sameyneyso shirkad madax bannaan oo horayba u fulin jirtay duullimaadyada Nairobi iyo Muqdisho, taasoo lagu magacaabo ALS.

Shirkaddan madaxa bannaan ayaa bixin doonta diyaaradaha iyo shaqaalaha fulin doona duullimaadyada Kenya Airways ee Muqdisho.

Kumannaan qof oo Soomaali ah ayaa ku nool Kenya, in badan oo ka mid ahna waxay si joogto ah isaga kala gooshaan magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho.

Waxaa sidoo kale jiray tartan sii kordhayay oo ay shirkadaha diyaaradaha ugu loollamayeen duullimaadyada Muqdisho, iyadoo dhawaan ay shirkadda Ethiopian Airlines billowday duulimaad toos ah oo isku xiraya Muqdisho iyo Addis Ababa.

Isha Warka: BBC