4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 18, 2018
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo la kulmay duqa magaalada Geneva ee dalka Switzerland

Talaado, December, 18, 2018 (HOL)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng; Yariisoow) oo la kulmay dhiggiisa Duqa Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland, Sami Kanaan, ayaa kala hadlay hirgelinta xiriirka iyo wadashaqeynta Labada Magaalo.

Eng;Yariisoow ayaa uga mahadceliyey Duqa, Geneva soo dhoweynta iyo martigelinta uu u sameeyay, isagoo uga warbixiyey horumarka Caasimadda, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha lagu horumarinayo.

Duqa, Muqdisho ayaa la wadaagay dhiggiisa Geneva , qorsheyaasha Maamulka Banaadir ee la xiriira xal u helista dhibaatooyinka barakacayaasha, wuxuuna soo bandhigay qorshaha xalka waara ee barakacayaasha oo Maamulka Gobolka Banaadir ay bartilmaamsanayaan Sannadka 2022-ka.

Dhankiisa, Duqa Geneva, Sami Kanaan ayaa ka mahadceliyey booqashada Duqa Muqdisho, isagoona tilmaamay sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka Dowladaha Hoose ee Geneva iyo Muqdisho, iyo dhaqan gelinta qorsheyaasha lagu horumarinayo Caasimada Muqdisho.

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa la kulmay Duqa magaalada Bristol ee Dalka Ingiriiska Mudane Marvin Rees, iyagoona ka wada hadlay sidii la isu dhaafsan lahaa khibradaha la xiriira adeegyada Dowladaha Hoose iyo teyeynta shaqaalaha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]