4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 18, 2018
Musharrax Cali Cabdi Awaare oo Garoowe lagu soo dhaweeyay

Talaado, December, 18, 2018 (HOL)- Musharraxa xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019ka, Cali Cabdi Awaare  ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halka oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

Soo dhaweynta, Awaare waxaa ka qaybgalay qaybaha bulshada oo isugu jiray, waxgarad, siyaasiyiin, dhallinyaro, haween, Arday iyo kooxo soo bandhigay farshaxan ay ku soo dhaweynayeen musharraxa.

Ugu horrayn, musharraxa xafiiska madaxweynaha Cali Cabdi Awaare , ayaa markii uu soo gaaray barxadda bartam aha  waxa uu u mahadceliyay dadweynaha caasimadda ee sida ballaaran u soo dhaweeyay.

"Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinaya shacabka maanta muujiyay qiiradoodda wadani-nimo,rabitaankoodda wadani-nimo, rabitaankoodda waxqabad dalkan looga baahanyahay ee aan looga bahneyn in intii la yimaaddo dhaqaalo laga aruursado dib looga noqdo ". ayuu yiri musharrax Awaare oo inta raaciyay " Dalkan waan joogi jirnay waana joogi doona wax qabad horan uga qabaneynay , waan u shaqeynaynay waana u shaqeyn doona haddii rabi Idmo".

Waxa uu inta ku daray inuu diyaar u yahay sidii uu u dardargalin lahaa howlihii ballaarnaa ee uu shacabka Puntland usoo qabtay, waxaa kalo u sheegay in maanta ay Puntland joogto xilligii ay heli lahayd isbaddel ku yimaada cid horay loo soo tijaabiyay.

Musharrax Cali Cabdi Awaare , ayaa ka mid ah siyaasiyiinta caanka ka ah gobolka, isagoo xilal sare ka soo qabtay, waxyaabaha aadka loogu xasuusto waxaa ka mid ah xilligii uu shaqeynayay dhismaha gole-yaasha deegaanka iyo hay'addo caalami ah oo uu usoo waaridey Puntland, isagoo xilligan markii saddexaad u tartamaya xilka madaxweynaha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]