Musharrixiinta xilka madaxweynaha oo walaac ka muujiyay habka loo maamullayo doorashada Puntland
Talaado, December, 18, 2018 (HOL)- Musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha qaar ka mid ah oo maanta kulan ku yeeshay magaalada xarunta ah ee Garoowe ayaa walaac ka muujiyay hab xukuumadda ay u maamullayso doorashada.
Musharrixiinta ayaa sidoo kale, ku baaqay in amniga caasimadda Garoowe loo daayo ciidanka Daraawiishta iyo kuwa Booliska Puntland, iyagoo ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii ay doorasho ugu dhici lahayd si cad oo xalaal ah.
Baaqa musharrixiinta ayaa ku soo aadday xilli maanta uu magaalada Garoowe kaga dhawaaqay madaxweynaha xilka haya ee Puntland, Cabdiweli Gaas inuu mar kale xilka u tartamayo, doorashada ayaa loo qorsheeyay inay dhacdo siddeeda bisha Jannaayo ee 2019ka.
Hoos ka akhri warsaxaafadeedka musharrixiinta;
Anagoo ah musharrixiinta Puntland 2019 ee hoos ku saxiixan, waxaan walaac xooggan ka muujinaynaa habka xukuumadda xilkeedu dhammaaday ay u maamullayso doorashada siddeeda bisha Jannaayo sannadka 2019ka,Amniga caasimadda xilliga doorashada iyo la-dhaqanka Isimadda xaqa u leh in ay soo xulaan xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka Puntland, sidaas darteed waxaan isla waafaqnay qodobbada hoos ku qoran;
1- In doorashada Puntland cidna aysan wax faragelin ah ku sameyn ee loo daayo reer Puntland in ay si xor ah hoggaankooda u doortaan.
2- Inay Puntland ka dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah oo keenta is baddel mug leh oo natiijadiisa ama natiijada ka soo baxda lagu wada qanco , maamulka waqtigiisii dhammaadeyna uusan doorashada marin habaabin .
3- In amniga caasimadda xilliga doorashada loo daayo ciidanka Daraawiishta iyo Booliska Puntland.
Waxaa soo wada saaray si wadajir ah warmurtiyeedkan musharrixiinta hoos ku qoran;
1- Maxamed Axmed Jaamac
2- Faarax Cali Jaamac
3- Bashiir Maxamed Xuseen
4- Cali Xaaji Warsame
5- Maxamuud Khaliif Xasan
6- Maxamed Cismaan CaliMaad
7- Cabdi Faarax Saciid Juxa
8- Khaliif Ciise Mudan
9- Maxamed Cabdullaahi Xuseen
10- Cabdiweli Cabdiraxmaan Gayre
11- Aadan Maxamed Ciise Gaadaale
12- Cabdirisaaq Jaamac Janagale