4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 18, 2018
Dagaal ciidamada dowladda ku dhaxmaray magaalada Muqdisho

 

Talaado, December, 18, 2018 (HOL)-Dagaalkan oo dhaxmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay Isgoyska Tarbuunka ee magaalada Muqdisho sida ay Hiiraan Online u sheegeen dad ku sugnaa Agagaarka halka uu iska horimaadku ka dhacay.

Ciidamada dagaalamay ku labisnaa dareyska ciidamada dowladda Soomaaliya, lamana oga ilaa iyo hadda sababta dagaalka, hasse ahaatee waxaa uu saameyn ku yeeshay isku socodkii dadka gaadiid iyo ganacsiga Isgoyska Tarbuubka.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah haddana goobjoogayaal ayaa sheergay in jirto wax yeelo soo kala gaartay dhinacyada uu iska horimaadku dhaxmaray.

Dagaallada noocan oo kale ah ee ka dhax dhaca ciidamada dowladda ayaa marar badan oo hore sidan u soo noqnoqday, waxaana ay hay’addaha amaanku ka soo saareen digniinno loo jeedinayo ciidamada oo labo dhinac u kala safta iyaga oo beello u abaabulan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]