4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 18, 2018
Ismaaciil Cumar Geelle : Waan baahanahay Bahalo looma cuno

 

Talaado, December, 18, 2018 (HOL)- Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in Isbadalka ka socda Geeska Africa loo baahan yahay marka hore in si taxadir leh leysaga eego wixii dan iyo dibin-daabyo ah ee ku jira.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hadalka ka sheegay xiritaankii madal ay isku arkeen Aqoonyahanno ka kala socda deegaannada looga hadlo Afka Soomaaliya oo uu soo qaban qaabiyay Machadka HERITAGE.

‘’Isbadalka haatan socda iyo kuwa soo socdaaba waxaa loo baahan yahay in la iska fiiriyo la iskana hubiyo wixii dan ah iyo dibindaabyo ee ku jira, Waayo, Waan baahanahay Bahalo looma cuno.ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Kalmadan uu isticmaalay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa noqotay hadal heynta madasha, iyadoo aqoonyahannada qaarkood sheegeen in madaxweynuhu ula jeeday in Soomaaliya looga baahan yahay in ay iska eegto wixii dan ah ee ugu jira Isbadallada socda.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in marka laga hadlayo danaha wadamada Geeska uu jiro Urur u xilsaaran oo ah Urur gobolleedka IGAD kaasoo guta ayuu yiri xilka Iskaashiga Gobolka.

“Tusaale ahaan Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya waxay qaadeen talaabooyin ku dayasho mudan, kuwaasoo ku saabsan dhanka is-dhex-galka wadamada gobolka,”ayuu yiri hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Geelle.

Madasha waxaa dhinaca dowladda Soomaaliya uga qeybgalay ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Mahdi Maxamed Guulleed Khadar, Wasiiro iyo Xildhibaanno, sidoo kale waxaa ka qeybgalay aqoonyahanno, dad magac-ku dhax leh bulshada iyo siyaasiyiin hore.

Agaasimaha Hay’adda HERITAGE Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo ay hay’addiisu soo agaasintay Shirkaasi ayaa sheegay in ay muhiimaddu aheyd in Soomaalida la aruuriyo, isbedelkana lagu galo Indho furnaan iyo in loo dad badsado, waxaa kaloo uu xusay in la isku afgartay in la bilaabo wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo lala wadaagayo Madaxda Qaranka.

 

Tan iyo wixii ka danbeeyay heshiiskii dowladdaha Itoobiya iyo Eritrea gobolka Geeska Africa waxaa ka curatay dabeyl-siyaasadeed oo laakiin siyaabo kala duwan loo fasiray, iyadoo dowladda Jabuuti u muuqato wali mid aan ku dhax-milmin isku soo dhawaashiyaha dowladdaha, Itoobiya Eritrea iyo Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]