3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 18, 2018
Warbixin : Xabad joojintii Yemen oo burburtay

 

Talaado, December, 18, 2018 (HOL)- Warbaahinta dalka Yemen ayaa shaacisay in Heshiiskii xabad joojinta ahaa ay kala saxiixdeen dhinacyada ku dagaallamaya dalka Yemen uu burburay daqiiqado un ka hor inta aanan la gaarin wakhtigii kama dambaysta aheyd ee laga filayay inay dhaqangeliyaan.

Kooxda Xuutiyiinta iyo dowladda oo ah dhinacyada ku dagaallamaya Yemen ayaa ku heshiiyay inay joojinayaan dagaallada ka socda magaalada dekedda leh ee Xuddeydah.

Xilliga kama dambeysta ah ee la dhaqan gelinayay heshiiska ayaa ku ekaa saqda dhexe ee wakhtiga dalkaasi.

Balse waxaa lagu soo warramaya in magaalada Xuddeydah ay dib uga qarxeen dagaallo u dhexeeya fallaagada Xuuthiyiinta iyo ciidammo taabacsan dowladda.

Waxaa sidoo kale la sheegay in dagallamayaasha Xuuthiyiinta ay gantaallo ku rideen bariga dekedda Xuddeydah.

Mid kamid ah dagallamayaasha dowladda ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP inay weli dagaallada taagaan yihiin.

Xuddeydah ayaa 140 Kilomitar u jirtaa galbeedka magaalada caasimadda ah ee Yemen, waana magaalada afaraad ee ugu weyn dalkaasi.

Xigasho BBC 













Click here
12/18/2018 11:45 AM EST
Talaado, December, 18, 2018 (HOL)- Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa maanta billowday adeegga duullimaadka ee toos isugu xiraya magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, in kastoo horay ay dib ugu dhigtay howlgalkaas.

12/18/2018 11:41 AM EST
Talaado, December, 18, 2018 (HOL)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng; Yariisoow) oo la kulmay dhiggiisa Duqa Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland, Sami Kanaan, ayaa kala hadlay hirgelinta xiriirka iyo wadashaqeynta Labada Magaalo.

12/18/2018 11:38 AM EST
Talaado, December, 18, 2018 (HOL)- Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa guddoomiyay Shir Bil-laha ah oo u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee SDRF, kaas oo looga hadlayo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.

12/18/2018 11:25 AM EST
Talaado, December, 18, 2018 (HOL)- Musharraxa xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019ka, Cali Cabdi Awaare ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halka oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

12/18/2018 10:32 AM EST
Talaado, December, 18, 2018 (HOL)- Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo maanta soo saaray war saxaafadeed ayaa sheegay in Soomaaliya ay siin doonaan adduun gaaraya lacageed oo gaareya $900 million oo lagu maalgelinayo Soomaaliya.

12/18/2018 10:23 AM EST
Talaado, December, 18, 2018 (HOL)- Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hogaaminayo madaxa Guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) Mr. Simon Brooks.

12/18/2018 8:07 AM EST
Talaado, December, 18, 2018 (HOL)- Musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha qaar ka mid ah oo maanta kulan ku yeeshay magaalada xarunta ah ee Garoowe ayaa walaac ka muujiyay hab xukuumadda ay u maamullayso doorashada.

12/18/2018 7:22 AM EST
Talaado, December, 18, 2018 (HOL)-Dagaalkan oo dhaxmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay Isgoyska Tarbuunka ee magaalada Muqdisho sida ay Hiiraan Online u sheegeen dad ku sugnaa Agagaarka halka uu iska horimaadku ka dhacay.

12/18/2018 5:17 AM EST
Talaado, December, 18, 2018 (HOL)- Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in Isbadalka ka socda Geeska Africa loo baahan yahay marka hore in si taxadir leh leysaga eego wixii dan iyo dibin-daabyo ah ee ku jira.

12/18/2018 1:45 AM EST
Talaado, December, 18, 2018 (HOL)-Magaalada Baydhabo waxaa ka soconaya diyaar-garoow ballaaran oo loogu jiro qabanqaabada doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo dhaceysa 19ka bishan oo ku beegan maalinta berri ah.

12/18/2018 12:53 AM EST
Talaado, December, 18, 2018 (HOL)- Magaalada Muqdisho waxaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.