4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 18, 2018
Doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo berri dhaceysa

 

Talaado, December, 18, 2018 (HOL)- Magaalada Baydhabo waxaa ka soconaya diyaar-garoow ballaaran oo loogu jiro qabanqaabada doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo dhaceysa 19ka bishan oo ku beegan maalinta berri ah.

Waxaa maanta kulan wada tashi ah iyo is xog-wareysi ku yeelanaya magaalada Baydhabo guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo amaankana siweyn loo adkeeyay.

Waxaa la soo gabagabeeyay hadal jeedintii ama khudbadihii musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha.

Guddiga doorashada iyo Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku adkeysanaya in doorashada ay ku dhici doonto waqtigeeda, waxaana jiray dalab iyo baaqyo ka imaanaya xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka iyo guddoomiyaha oo dalbanayay in la joojiyo doorashada.

Ammaanka hoolka ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha ayaa waxaa la wareegay ciidamada Booliska, sidoo kale howlaga sugida amniga guud ee magaalada Baydhabo si wadajir ah uga qeyb qaadanaya ciidamada milateriga, Booliska, Nabadsugida iyo ciidanka Itoobiya.

Doorashada ayaa la filayaa in ay dhacdo xili uu wali xiran yahay Mukhtaar Rooboow oo ka mid ahaa musharixiinta madaxweynaha ee maamulka Koonfur Galbeed ee sida weyn loo hadal hayay, waxaana 13kii bishan magaalada Baydhabo ka soo xiray ciidamo Itoobiyaan ah oo u soo gacan galiyay dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]