Faah faahin : kulan xalay Muqdisho ku dhaxmaray RW Kheyre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka
Talaado, December, 18, 2018
(HOL)- Magaalada Muqdisho waxaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay ra’iisal
wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha Golaha
Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Kulanka oo ka dhacay xarunta
Wasaarradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta ayaa looga wada hadlay xalinta
khilaafka ka abuurmay mooshinka xil ka qaadista ah ee xubno ka tirsan Golaha
Shacabka ka keeneen madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo.
Xildhibaan Cabdi Cali Xassan oo
ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo kulanka labada mas’uul uga
waramay VOA ayaa sheegay in uu ku soo dhamaaday is afgarad.
Wuxuu sheegay in kulanka uu ahaa
mid horeyba loo sii diyaariyay oo ay ka soo shaqeeyeen guddi ka tirsan Golaha
Shacabka oo isku xil saaray dhameynta khilaafka Golaha Shacabka iyo
madaxtooyada, isaga oo intaa ku daray in horey ay isku soo arkeen guddigan iyo
madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
‘’Ra’iisal wasaaraha iyo
guddoomiyaha Golaha Shacabka waxey ka wada hadleen sidii Baarlamaanka iyo
xukuumadda ay u wada shaqeyn lahaayeen, caqabadaha taaganna is afgarad iyo wada
hadal loogu dhameyn lahaa’’ rajo fiicanna waxaan ka qabnaa in arrimaha oo dhan
is afgarad ku dhamaan doonaan’’ ayuu yiri xildhibaanka.
Xildhibaan Cabdi Cali ayaa meesha
ka saaray in ay jiraan xildhibaanno kala qeybsan marka laga soot ago sida uu
hadalka u dhigay in rayiga lagu kala duwan yahay oo kaliya’’ Xildhibaanno Labo
garan kala noqday ma jiraan, kaliya ra’yiga ayaa lagu kala duwan yahay’’ ee
waxa qeybsamay waa guddoonkii Golaha Shacabka, taasoo keentay kulamadii Golaha ay furmi waayaan’’ ayuu
hadalkiisa sii raaciyay.
In Ra’iisal wasaaraha iyo
guddoomiyaha Golaha Shacabka ku kulmaan xarunta Wasaarradda Waxbarashada ayaa ah calaamad
muujineysa in wali aan xal waara laga gaarin khilaafka taagan, horeyna waxaa u
jirtay in gudoomiyaha Golaha Shacabku uu ka soo guuray hoygii uu ka degenaa
madaxtooyada Soomaaliya, isaga oo ku eedeeyay xukuumadda in ay cadaadis dhinaca
dhaqdhaqaaqa ah saartay.
Xildhibaannada isku xil saaray
xal u helida khilaafka Golaha Shacabka iyo madaxtooyadda ayaa rajo badan ka
qaba in ugu danbeyntii lagu guuleysto dibna loo furo kulamadii caadiga ahaa ee
Golaha Shacabka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]