4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2018
Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo shaqo joojin ku sameysay shirkadda Sahan Research

Isniin, December, 17, 2018 (HOL)- Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaqo ka joojin ku sameysay hay’adda cilmi baaris oo lagu magacaabo Sahan Research.

Warsaxaafadeed ay baahisay wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maanta oo taariikhdu tahay 17 December in hay’adda Sahan Research laga joojiyay, lagana mamnuucay dhammaan wixii shaqo ay ka waday dalka, sababo la xiriira amniga qaranka, xasilloonida iyo Midnimada dalka.

Sidoo kale,Waxaa lagu amray dhammaan hey’daha dalka ka howlgala in aanay wax xiriir ah iyo wadashaqeyn la yeelan karin hay’addan, sidoo kale waxaa qoraalka loo diray hay’addaha Deeq bixiyeyaasha, kuwa Samafalka iyo Qaramada Midoobey.

Hay’addan ayaa waxaa madax ka ah Matt Bryden oo u dhashay dalka Canada, kaasoo horay isku duwe uga soo noqday Kooxda Monitoring Group. Mr Bryden oo ah nin aad uga faalooda arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa dalka ka ceyriyay Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeelgaarka ahayd Sheekh Shariif sannadkii 2012, xilligaasoo loo jaray Persona non grata, waxaa xilligaas uu soo saaray warbixin muran badan dhalisay oo Madaxdii hore ee dalka lagu eedeeyay inay musuq maasuq ku lug leeyihiin, hantida ay dhigtaan Bangiyo gaar ah, taasoo dowladdii kumeelgaarka aheyd iska fogeysay, waxba kama jiraan ku tilmaamtay.

Hoos ka akhri warsaxaafadeedka wasaaradda amniga;


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]