4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2018
Kulan ay Muqdisho ku yeesheen RW Khayre iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal oo soo gabagaboobay

Isniin, December, 17, 2018 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa sheegay inuu kulan  gaar ah caawa la qaatay guddoomiyaha Baarlamaanka  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulanka labada dhinac ayaa ka dhacay meel ka baxsan xafiiska ra'iisul wasaaraha iyo kan guddoomiyaha Baarlamaanka, war ay heshay Hiiraan Online ayaa sheegay in kulanka uu ka dhacay xarunta wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo ku dhow Isgoyska Zoobe, halkaasoo ammaankeeda si aad ah loo adkeeyay, ciidammada Amniga ay goor sii horeysay xireen.

"Waxa aan caawa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo aan ka wada hadalnay xoojinta wada shaqeynta xukuumadda iyo Golaha Shacabka". ayuu yiri ra'iisul wasaare Khayre, sida lagu baahiyay bogga twitterka ee xafiiska ra'iisul wasaaaraha.

Wakaaladda wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ee SONNA, ayaa dhankeeda baahisay ra'iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka inay isku fahmay dhameynta xaaladaha hadda jira iyo wada shaqeynta Laamaha Sharci dajinta iyo Fulinta.

Lama helin xog inta ka badan oo kulanka ku saabsan, balse waxa uu noqonaya kulankii ugu horreeyay ee hoggaanka sare ee dowladda ay ku yeeshan meel ka baxsan madaxtooyada,halkaasoo toddobaad ka hor uu ka soo guuray Guddoomiye Mursal, kaddib xayiraado la saaray markii uu qabtay Mooshin ka dhan ah madaxweynaha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]