4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2018
Puntland: Musharrax Jebiye oo ka hadlay madax bannaanida Guddiga Xallinta Khilaafaadka kana digay xaaladda ammaan ee Boosaaso

Isniin, December, 17, 2018 (HOL)- Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee doorashada 2019, Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye, ayaa shir-jaraa'id oo maanta [Isniin] uu ku qabtay hoyga uu ka deggen yahay magaalada Garoowe, wuxuu kaga hadlay arrimaha doorashada, xaaladda ammaanka ee magaalada Boosaaso, xallinta colaaddii deegaanka Dhummay iyo qodobbo kale oo muhiim ah.

Musharraxa oo labo maalmood kahor dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safar shaqo oo muddo labo asbuuc ah uu dibadda ugu maqnaa, waxaa qodobbada uu shirkiisa jaraa'id kusoo hadal qaaday ugu muhiimsanaa:

GUDDIGA XALLINTA KHILAAFAADKA

Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye wuxuu ugu horrayn ka hadlay walaaca laga qabo Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee [December 3, 2018] uu soo magacaabay Madaxwayne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Jebiye ayaa mar labaad ku celiyey in hannaanka uu Madaxwaynuhu u maray soo magacaabista Guddigaasi uu ahaa mid aan sharciga waafaqsanayn, wuxuuna walaac ka muujiyey madax-bannaanida Guddiga iyo sida loogu kalsoonaan karo go'aammada ay soo saaraan, maadaama soo magacaabistoodii aan laga tala gelin qaybaha kala duwan ee bulshada, madaxda dhaqanka iyo musharraxiinta u taagan xilka Madaxwaynaha Puntland.

Musharraxu wuxuu tilmaamay in xubnaha Guddiga Xallinta Khilaafaadku u muuqdaan dad xilkas ah, lagana filayo in ay waajibaadka qaran ee loo xil saaray si hufan oo daacadnimo ku dheehan tahay uga soo baxaan, haseyeeshee aan la aqbali doonin haddii ay gaaraan go'aanno ka hor imaanaya rabitaanka beelaha iyo xubnaha ay xildhibaannimada usoo xusheen.

Madaxwaynaha xilku kasii dhammaanayo ee Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayuu ugu baaqay iyo uu faraha kala baxo arrimaha khuseeya soo xulista xildhibaannada, maadaama beeluhu xor u yihiin in ay soo xushaan cidii ay isku raacaan in ay baarlammaanka cusub ku meteli karto.

AMMAANKA MAGAALADA BOOSAASO

Musharraxu wuxuu sidoo kale shirkiisa jaraa'id kusoo hadal qaaday xaaladda ammaan ee magaalada Boosaaso, taas oo sannadihii u dambeeyey u muuqatay mid nabadgelyadeedu ay faraha kasii baxayso.

Musharraxu wuxuu sheegay in aan la aqbali karin in maalin kasta si bareer ah haldoorkii bulshada loogu dhex toogto shaaricyada magaalada Boosaaso, aysanna jirin wax tallaabo ah oo dowladdu qaadday si xaaladda caadigeedii loogu soo celiyo.

Dowladda wuxuu ku eedeeyey in ay dayacday ammaanaka magaalada Boosaaso, sidoo kale wuxuu sheegay in saraakiishii u sarreeyey laamaha ammaanku ku mashquuleen siyaasadda iyo ololaha doorashada ee loogu xusul duubayo madaxtinimada Puntland.

XALLINTA COLAADDII DEEGAANKA DHUMAY


Injineer Jebiye wuxuu si weyn u bogaadiyey wax lagu farxana ku tilmaamay heshiiska nabadeed ee laga gaaray colaaddii dadka badani ku dhinteen ee beelaha walaalaha ah ku dhex martay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool.

Musharraxu wuxuu dhinaca kale hambalyo u diray isimmadii iyo waxgaradkii Soomaaliyeed ee xilka weyn iska saaray sidii colaaddaas loo demin lahaa, isagoo Ilaah uga baryey in uu ka abaal mariyo camalkaas wanaagsan ee ay bulshadooda u qabteen.

Waxaa xusid mudan in Jebiye bil kahor baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee xurguftu ka dhexeysey, isagoo sidoo kale adduun lacageed oo gaaraya $70,000 (toddobaatan kun oo doollar) kaga qayb qaatay dadaalladdii gurmadka iyo dib-u-heshiisiinta ee isimmada Puntland hormuudka ka ahaayeen.

Ugu dambeyntii wuxuu baaq u diray bulshada Puntland, isagoo ku boorriyey in ay xil iska saaraan sugidda ammaanka iyo xasilloonnida Puntland muddada kooban ee ka hartay doorashada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]