4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2018
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo la kulmay madaxwaynahay Jabuuti

Isniin, December, 17, 2018 (HOL)- Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya,  Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay madaxwaynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

newsinisdeRa’iisul wasaare ku-xigeenka dalka iyo madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka wada hadlay xariirka walaaltinimmo ee labada dawladood iyo labada shacab, arrimaha gobalka, iyo amniga.

Guuled ayaa madaxwaynaha Jabuuti uga mahad-celiyey taageerrada reer Bjibouti la garab taaganyihiin shacabka iyo dawladda Soomaaliye.

Madaxweyne Geelle ayaa intii kulanku socday ballan qaaday inay joogtaynayaan is-garab istaagga shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda labad dawladood ayaa qayb ka ahaa kulanka ay yeesheen ra’iisul wasaare ku-xigeenka  Soomaaliya iyo madaxwaynaha Jabuuti.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]