4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2018
Al-Shabaab iyo Daacish oo ku dagaallamay deegaanno ka tirsan gobolka Bari

Isniin, December, 17, 2018 (HOL)- Dagaallamayaal ka tirsan al-Shabaab iyo Daacish ayaa lagu soo warramaya inay ku dagaallameen gobolka Bari,sida laga soo xigtay dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah.

Dagaal labadii maalin ee u dambeysay ka dhacay deegaannada Shimbiro iyo Miiraalle ayaa la sheegay inay ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo gaaray dhinacyadii dagaallamay.

Dagaalkii maalinta koowaad oo ku beegneyd Sabtidii ayaa sababay dhaawaca toban ka mid ah dhinacyada, iyadoo shan ruux ay ku geeriyoodeen, Waxaa mar kalle oo dagaalka uu shalay dhacay uu sababay dhimashada siddeed ruux oo dhinacyadii dagaallamay ah, waxaana jira khasaare dhaawac ah.

Wararka ayaa sheegaya dagaalka inuu yimid kaddib markii xeebaha deegaankaasi uu soo gaaray dooni hub u waday kooxda Daacish, iyadoona xilligaasi weerar ay soo qaadeen al-Shabaab , waxaana saldhiggii ciidammada ee Daacish la wareegay al-Shabaab,sida ay baahisay idaacadda maxalliga ah ee Daljir.

Dhinaca kale, war lagu baahiyay wakaaladda wararka u faafisa kooxda Daacish ee 'Amaq News Agency' ayaa lagu sheegay in 14 xubnood oo ka tirsan al-Shabaab lagu dilay Sabtidii dagaal ka dhacay deegaanka Miiraalle oo u dhow deegaan xeebeedka Qandala ee gobolka Bari, warka ayaa inta ku daray in dagaalka uu ka billowday markii dagaalyahanno ka tirsan Daacish ay weerarreen xubno ka tirsan al-Shabaab oo isku aruursanahay nawaaxigga deeegaanka Miiraalle.

Kooxda xiriirka la leh Daacishta fadhigeedu yahay Ciraaq iyo Suuriya ayaa sidoo kale ku baahisay wakaaladda wararka u faafisa inay hub iyo agab militeri uga furteen dagaalyahannada al-Shabaab dagaalka Miiraalle, al-Shabaab kama aysan hadlin dagaalkan, sidoo kale ma jirto dhinacyo madax bannaan oo war laga helay.

Deegaannada dagaalka uu ku dhexmaray al-Shabaab iyo Daacsish ayaa ka mid ahaa goobihii caanka ku ahaa tahriibka ee sida dhuumaalaysiga uga bixi jiray gobolka Bari, waxaana jirin wax war ah oo  Puntland ay kasoo saartay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]