4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2018
Cali Xaaji Warsame: Kulankii bulshada Garoowe ee Himilada Musharraxa iyo Hammiga Shacabka

Isniin, December, 17, 2018 (HOL)- Musharraxa xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019-ka, Cali Xaaji Warsame ayaa xalay la qaatay bulshada magaalada xarunta ah ee Garoowe kulan ballaaran oo loogu magac darray 'Himilada Musharraxa iyo Hammiga Shacabka'.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka socday qaybaha bulshada,iyadoo dadka ugu badan ee soo buuxiyay hoolka jaamacadda bariga Afrika ee magaalada Garoowe ay ahaayeen ardayda wax ka barata jaamacadaha ku yaalla magaalada Garoowe.

Musharraxa Cali Xaaji Warsame, ayaa ugu horrayn kulanka ka jeediyay khudbad dheer oo uu ku soo bandhigay himiladiisa, waxaa kalo uu diiradda saaray waxyaabaha uu doonayo inuu xoogga saaro haddii uu xilka uu raadinnayo ee madaxweynaha Puntland ku guuleysto.

"2014 himilada aan maanta qabo ayaan qabay ,waxaan aaminsannaa Puntland inay badasho nidaamkii hore , dad aqoonyahan ah dhallinyaro ah ,khidbrad leh,han leh ,jeebkoodda ka weyn inay Puntland yimaaddan.. Dadkaas inay noqdaan kuwa tiirarka u taagaya maamul wanagsan oo Puntland ka hanna-qaadaya,wixii dhimana garsiiya, himiladii Soomaaliyeed iyo midnimadii umadda Soomaaliyeedna ilaaliya". ayuu yiri musharrax Cali Xaaji.

"Waxaan aaminsannahay idinkuna aaminsantihiin himiladdaa shan sanno ka bacdi ineynan gaarin.. maxay tahay marka himilada cusub oo laga raba musharrax walba oo imaanaya anniga ha noqdo,cid kale ha noqdo inuu Puntland garsiiyo ... Dad badan waxay ku qaldaan anigu waa inan guuleystaa ... anigu waxaan aaminsanahay inan anigu guuleysto muhim ma'aha, in la guuleysto illaahayba qora qofna kaligii ma keeni karo ..Laakin waa muhim ah himilada iyo hamiga aan rabnay  inay Puntland ka surtagalaan". ayuu raaciyay musharrax Cali Xaaji.

Warsame ayaa ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono kobac-dhaqaale , maareynta miisaaniyadda,dhismaha ciidammada , la-dagaallanka musuqmaasuqa, isla-xisaabtan dhab ah.

Waxa ugu horreeya ee sannadkiisa koowaad uu ka shaqeynayo doono ayuu ku sheegay sidii Puntland ay u gaari lahayd shacabku inay wax doortaan,waxaana uu inta ku daray in Puntland u bahantahay isbaddel dhab ah oo ku qotoma cadaalad sinaan,midnimo iyo in qof kasta helo nabadgelyo caafimaad iyo waxbarasho.

Khudbada musharraxa ayaa markii ay soo dhammaatay waxaa su'aalo waydiiyay dadweynihii ka qaybgalay kulanka , inta badan su'aalaha la waydiiyay musharraxa ayaa diiradda saaray waxa uu qaban doona ,iyadoo uu mid mid uga jawaabay su'aalaha uu na sheegay in loo bahanyahay hoggaamin sax ah oo uu la yimaado Madaxweynaha la doortaa.

Cali Xaaji Warsame, oo ka mid ah tobannaan musharrax oo u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland, ayaa kulankii xalay uu la qaatay bulshada Garoowe, waxa uu ka dhigay musharrixii ugu horreeyay ee dadweynaha si furan ula hadla, ugana jawaaba su'aalaha ay waydiiyeen.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]