4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2018
Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku dilay 62 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab

 

Isniin, December, 17, 2018 (HOL)-Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa maant oo Isniin ah sheegay duqeyn ay ka fuliyeen Soomaaliya gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose Sabtidii iyo Axadii todobaadka ku dileen 62 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Labo duqeyn oo ka dhacday deegaanka Gendershe labo maalmood isku xigta, taariikhda marka ay aheyd 15 iyo 16 bishan December, duqeynta koowaad ayaa lagu sheegay qoraalka in lagu dilay 34  dagaalame, halka duqeynta labaad oo dhacday shalay lagu dilay 28  dagaalame.

Sidoo kale Taliska ayaa sheegay in dhammaan waqtiyada ay dhaceen duqeynta aanay jirin qof rayid ah oo ku dhaawacantay ama ku dhimatay.

Taliska Mareykanka AFRICOM ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka iyo  kuwa Soomaalida ay weeraradan qaadeen, si ay uga hortageen Al-Shabaab,  soona abaabulaan weeraro deegaanada ay kaga sugan yihiin.

Mareykankanka ayaa bilihii la soo dhaafnayb xoojinayay duqeymaha ka dhanka ah xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya, iyaga oo inta badan beegsada saldhigyada iyo xarumaha ay ka degan yihiin Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]