3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2018
Jidadka Muqdisho oo dhamaanba saakay xirran

 

Isniin, December, 17, 2018 (HOL)- Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa saakay ku waabariisatay ciidamo aad u hubeysan oo la soo dhigay dhamaanba isgoysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho oo dhamaantoodba saakay xirran.

Waxaa xiran oo aan loo ogoleyn in ay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha jidadka iyo isgoysyada Jidka Sodonka, Tarbuunka, Banaadir, illaa Ex Koontarool Afgooye.

Dadweynaha magaalada ayaa la arkayaa iyaga oo lugeynaya madaama maanta ay tahay maalin shaqo oo dadku ay tagayaan goobahooda ganacsi, dugsiyada waxbarashada iyo howlmaalmeedkooda kale ee caadiga ah.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee loo xiray magaalada laakiin waxaa ay arintan imaneysa iyadoo maanta Xisbiga Wadajir ah uu xusayo weerarkii maanta oo kale 17 December sanadkii 2017 lagu qaaday Hoyga Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur oo dowladdu xirtay, weerarkaas waxaa lagu dilay shan ka mid ah Ilaaladiisa iyo darawal.

Dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha hay’addaha Amniga midkoodna war kama uusan soo saarin xernaashiyaha magaalada oo dadku su’aalo iska weydiinayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
12/17/2018 5:28 PM EST
Isniin, December, 17, 2018 (HOL)- Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaqo ka joojin ku sameysay hay’adda cilmi baaris oo lagu magacaabo Sahan Research.

12/17/2018 5:18 PM EST
Isniin, December, 17, 2018 (HOL)- Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa go’aan ka gaartey kiis ku saabsan musuq-maasuq loo haystay wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Mahad Daa'uud.

12/17/2018 5:01 PM EST
Isniin, December, 17, 2018 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa sheegay inuu kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

12/17/2018 4:37 PM EST
Isniin, December, 17, 2018 (HOL)- Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee doorashada 2019, Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye, ayaa shir-jaraa'id oo maanta [Isniin] uu ku qabtay hoyga uu ka deggen yahay magaalada Garoowe, wuxuu kaga hadlay arrimaha doorashada, xaaladda ammaanka ee magaalada Boosaaso, xallinta colaaddii deegaanka Dhummay iyo qodobbo kale oo muhiim ah.

12/17/2018 2:35 PM EST
Isniin, December, 17, 2018 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay dad u soo xirtay in ay dacwad u gudbiyeen maxkamadaha Al-shabaab oo inta badan marka la eego shacabka ku dhaqan deegaannada ay dowladdu maamusho ku xukuntamaan.

12/17/2018 8:24 AM EST
Isniin, December, 17, 2018 (HOL)- Sacuudi Carabiya ayaa ku gacan seertay qaraarka Aqalka Senate-ka Mareykanka ee ku baaqay in Mareykanka uu soo geba gebeeyo taageerada uu siiyo dagaalka Sacuudiga ee Yemen, islamarkaana dhaxal-sugaha dalkaas ku eedeeyey dilka weriye Jamaal Khaashuqji.

12/17/2018 8:17 AM EST
Isniin, December, 17, 2018 (HOL)- Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay madaxwaynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

12/17/2018 8:11 AM EST
Isniin, December, 17, 2018 (HOL)- Madaxwaynaha Ciraaq ,Berhaam Saalix ayaa ka tanaasulay dhalashadiisii Britishka, isagoo fulinaya sharciga dalkiisa ee dhigaya madaxwaynaha inuu wadan baasboor ajnabi ah, afhayenka madaxwaynaha ayaa sidaasi sheegay maalinimadii Axaddii.

12/17/2018 8:02 AM EST
Isniin, December, 17, 2018 (HOL)- Dagaallamayaal ka tirsan al-Shabaab iyo Daacish ayaa lagu soo warramaya inay ku dagaallameen gobolka Bari,sida laga soo xigtay dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah.

12/17/2018 7:33 AM EST
Isniin, December, 17, 2018 (HOL)- Musharraxa xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019-ka, Cali Xaaji Warsame ayaa xalay la qaatay bulshada magaalada xarunta ah ee Garoowe kulan ballaaran oo loogu magac darray 'Himilada Musharraxa iyo Hammiga Shacabka'.

12/17/2018 6:22 AM EST
Isniin, December, 17, 2018 (HOL)-Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa maant oo Isniin ah sheegay duqeyn ay ka fuliyeen Soomaaliya gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose Sabtidii iyo Axadii todobaadka ku dileen 62 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab.

12/17/2018 3:18 AM EST
Isniin, December, 17, 2018 (HOL)-Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib -u dhiska u magacaabay Cabdi Aadan Hoosoow.

12/17/2018 1:23 AM EST
Isniin, December, 17, 2018 (HOL)-Xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ayaa xalay isku afgartay wakhtiga doorashooyinka golaha Wakiilada iyo Deegaanku dhici doonaan oo wakhtigii hore loo qorsheeyey dib u dhac ku yimid.

12/17/2018 1:06 AM EST
Isniin, December, 17, 2018 (HOL)- Howlgal ay iska kaashadeen ciidamada Qaranka iyo kuwa Mareykanka oo ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose ayaa lagu dilay 25-ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

12/17/2018 12:28 AM EST
Isniin, December, 17, 2018 (HOL)-Deegaanada ku teedsan gobolka Jubadda Dhexe ayaa la qorshaynayaa in ay ka dhacaan howlgalo ballaaran oo ay si wada jir ah ay u fulin doonaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed,kuwa Midowga Afrika iyo ciidanka Jubbaland oo isgarabsanaya si xoogagga Alshabaab looga saaro gobolkaasi.