4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2018
Howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ka bilaabanaya gobolka Jubbada Dhexe

 

Isniin, December,  17, 2018 (HOL)– Deegaanada ku teedsan gobolka Jubadda Dhexe ayaa la qorshay-nayaa in ay ka dhacaan howlgalo ballaaran oo ay si wada jir ah ay u fulin doonaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed,kuwa Midowga Afrika iyo ciidanka Jubbaland oo isgarabsanaya si xoogagga Al-shabaab looga saaro gobolkaasi.

War ka soo baxay taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in uu howlgalkaasi uu qeyb ka yahay qorshaha la doonayo in Al-shabaab looga xoreeyo guud ahaan dalka, Charles Tai Gituai oo ah taliye ku-xigeenka howlgalada ciidamada AMISOM ayaa sheegay in qorshaha howglakan ay horey u meel mariyeen Midowga Afrika,taasi oo qeyb ka ah qorshaha AMISOM ay dalka kaga baxayso marka ay amniga ay ku wareejiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

‘’Waxaanu la kulanay madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan,waxaana ka wada hadalnay sidii loo hirgelin lahaa qorshaha howlgaladaasi oo 30, bishii Novermber ee sanadka ay Addis Ababa ku ansixiyeen madaxda Midowga Africa,sidoo kale waxaana kala hadalnay qaabka ugu haboon oo ay isaga kaashan karaan howlgaladaasi ciidamada AMISOM kuwa xooga dalka iyo Jubbaland’ ayuu yiri Charles Tai Gituai’’.

Saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in gobolak Jubbalad Dhexe la rumeysan yahay in saldhigyo sida uu hadalka u dhigay ay ku dhuumaalaysastaan Al-shabaab ay ku yaalaan, halkaasi oo ay ka soo abaabulaan weerarada qorsheysan,balse ay ka hortagi doonaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa dhankiisa sheegay in maamulka Jubbaland ay diyaar u yihiin sidii Al-shabaab looga cirib tiri lahaa deegaanada Jubbaland, iyagoo kaashanaya Militariga Soomaaliya iyo AMISOM.

Taliye kuxigeenka AMISOM Charles Tai Gituai oo ay wehliyaan saraakiil ayaa tagay deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana la filayaa in booqasho taasi la mid ah ay ku tagaan magaaloooyinka Beledweyne, Jowhar iyo Baydhabo, iyagoo qiimeyn ku sameynaya nayaan baahiyaha ciidamada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]