4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 16, 2018
Kulankii guddoonka Golaha Shacabka oo leysku afgartay

 

Axad, December, 16, 2018 (HOL)–Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Is afgarad laga gaaray kulan maanta magaalada Muqdisho ku dhaxmaray guddoonka sare ee Golaha Shacabka, gaar ahaan guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen.

Xildhibaan Nuur Iidoow Beyle oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka oo ka mid ahaa xildhibaanno isku xil saaray in ay kulankaasi ka shaqeeyaan ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in kulankii guddoonka sare ee Golaha Shacabka uu ugu danbeyntii ku soo idlaaday is afgarad.

‘’Kulanka wuxuu ahaa kulan ay ka soo shaqeeyeen xildhibaanno iskood isku xil saaray, kulankooda markii danbe wuxuu ahaa mid albaabada u xirnaa oo saddexdooda oo kaliya isku arkeen, markii uu soo dhamaadayna waxaa ay inoo sheegeen in ay is afgarteen dhawaanna dib u bilaaban doonaan kulamadii Golaha Shacabka’’ ayuu yiri xildhibaan Nuur Iidoow.

Ma uusan bixin xildhibaanka faah faahin intaa dhaafsiisan oo la xiriira wax yaabaha ay isku afgarteen guddoonka Golaha Shacabka.

‘’Guddoonka waxaa uu inoo sheegay oo kaliya in wixii madmadow ah ee jiray meesha baxeen kulamadii baarlamaankana dib u bilaaban doonaan ‘’ ayuu yiri xildhibaanka.

Kulanka waxaa ka muuqday xildhibaanno ka wada tirsan Golaha Shacabka laakiin labada dhinac kala taageersanaa, kuwaa oo la sheegay in ay ka soo shaqeeyeen kulanka guddoonka Golaha Shacabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]