4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 16, 2018
Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo isku casilay xiisada ka taagan Koonfur Galbeed

 

Axad, December, 16, 2018 (HOL)- Wasiirkii howlaha Guud,Dib u dhiska iyo Gureynta dowladda Soomaaliya Cabdifitaax Maxamed Ibraahi Geeseey ayaa goor dhaw sheegay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in sababta uu isaga casilay xilkii ka hayay Xukuumadda tahay kaddib markii uu sida uu hadalka u dhigay u dulqaadan waayay fara-galinta caburin sida uu sheegay dowladda Soomaaliya ay ku heyso shacabka iyo bulshada ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

''Sababta aan isku casilay waxaa ay tahay ma jirin meel dowladda aan aniga ka tirsannahay ay ku go'aan qaadatay in la afaduubo lana caburiyo doorashada Koonfur Galbeed, ma jirin meel lagu go'aansaday in si qasab ah oo waliba afduub ah loo soo xiro muwaadin Mukhtaar Rooboow, loogana reebo doorashada, ma jirin meel lagu go'aasaday in aan lala tashan Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka deegaannadaas ka jeeda, iyadoo ay jirto in la heer marayo dhamaan wixii shuruuc ah oo u yaalay dalka, sidaa daraadeed waxaan go'aansaday in aan marqaati ka sii ahaanin arimahan oo dhan'' ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu noqonayaa wasiirkii ugu horeeyay ee xukuumadda uga taga wax uu ku tilmaamay fara-galin dowladda Soomaaliya ay ku heyso doorashada maamulka Koonfur Galbeed iyo xariga Mukhtaar Rooboow.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]