4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 16, 2018
Dowladda Soomaaliya oo xirta xabsigii Godka Jilicoow

 

Axad, December, 16, 2018 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in ay gabi ahaanba ay xirtay God Jilicoow oo muddo dheer ahaa xabsi lagu xiro dadka loo heysto danbiyada kala duwan oo ay ka mid ah Argagixisada.

Wasiirka Wasaarradda Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo warbaahinta kula hadlayay xarunta Godka Jlicoow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya kaddib baaritaan muddo dheer soo socday ogaatay in dhibaato weyn ay ku qabaan shacabka Soomaaliyeed halkan {Godka Jilicoow}

''Iyadoo laga tixraacayo isbadallada dhinac Amniga ah oo muddaba soo socday iyo cabasho xukuumadda uga timid dadweynaha waxaa isla garanay in laga bilaabo maanta gabi ahaanba la xiray Godka Jlicoow oo muddo dheer ahaa xabsi dadka lagu xiro, waxaana loo badllay xarun lagu tababaro ciidamada'' ayuu yiri wasiirka Amniga.

Wasiirka ayaa intaa ku darray in maanta laga bilaabo dadka la soo xiro laga eheladooda ka raadin karaan oo kaliya Xabsiga Dhexe iyo Saldhigyada Booliiska, halka markii hore qofka la soo qabto la geyn jiray xarunta Godka Jilicoow oo la sheegay in dadka mar la geeyo kaddib loogu geysan jiray jir dil iyo dhibaatooyin kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa fartay laamaha amniga in qofka la soo qabto aan la heysan karin wax ka badan 48 saacadood, haddii uu baaritaanku intaa dhaafana looga baahan yahay in ay dib u cusbooneysiistaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]