4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 16, 2018
Madaxtooyada Soomaaliya oo sheegtay Tirada Ciidanka Xoogga Dalka ee Diiwaangashan

 

Axad, December, 16, 2018 (HOL)-Cabdi Siciid Muuse Cali la taliyaha amniga ee Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Ciidamada u diiwaangeshay Dowladda Soomaaliya ay gaarayaan sagaal kun (9,000) oo Askari.

La taliye Cabdi Siciid ayaa qoraal uu ku daabacay boggiisa Twitter-ka ku sheegay in Dowladda Federaalka ah ay horumar ka sameysay dhismaha Ciidamada Xoogga iyo dhinaca amaanka Dalka.

Siciid ayaa xusay in sagaalka kun ee Askari ay yihiin kuwo diiiwaangeshan, islamarkaana leh xisaabo Bangi oo bilkasta ay ka helaan lacagta Mushaarka ah ay xaqqa u leeyihiin.

Dhinaca kale Cabdi Siciid ayaa sheegay dib u habeynta Ciidamada xoogga dalka oo ka mid ahayd ololaha Madaxweyne Farmaajo uu sidiisii ku socdo islamarkaana uu isbeddel weyn ka muuqdo xilligaan.

Qaramada Midoobey golaheeda amaanka ayaa sanadkii hore AMISOM u soo diray fariin ku aadan in ay dhimaan ciidamada ka jooga Soomaaliya si amniga dalka ay ugu wareejiyaan Ciidanka Soomaaliya.

Dowladda ma aysan cadeyn wali in ciidamada ay hada heysato ay yihiin kuwo ku filan xaqiijinta ammaanka dalka iyo la dagaalanka kooxaha hubeysan ee ka dagaalama Bariga, Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Nurre Mohamed Ali ,Hiiraan Online
[email protected]