4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 16, 2018
Koonfur Galbeed oo sheegtay in aysan wax lug ah ku laheyn xarigga Mukhtaar Rooboow

 

Axad, December, 16, 2018 (HOL)–Maamulka Koonfur Galbeed oo markii ugu horeysay war ka soo saaray xaigga Mukhtaar Rooboow ayaa iska fogeyn in ay wax lug ah ku lahaayeen dhinacooda.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Xassan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya lagula xiisaabtami doono wixii ka dhacay magaalada Baydhabo, madaama ay iyadu bixisay amarka qabashada ama xarigga Mukhtaar Rooboow.

Waxaa uu sheegay in ciidamada nabad-galyada Koonfur Galbeed ku dadaalayaan sidii loo xakameyn lahaa rabashadaha magaalada Baydhabo, waxaana uu intaa ku daray in la soo xaray oo xabsigga la dhigay tiro dhalinyaro ah oo ku eedeysan in ay ku lug lahaayeen rabashada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Mukhtaar Rooboow in uusan wali ka tanaasulin fikirkiisii hore ee Xagjirnimada, islamarkaana magaalada Baydhabo ka waday sida ay hadalka u dhigtay falal ka dhan ah nabad-galyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]