3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 15, 2018
Faysal Cali Waraabe oo eeddo usoo jeediyey madaxweynaha Soomaaliya

 

Sabti, December, 15, 2018 (HOL) – Gudoomyaha xisbiga UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa cambaareeyey xadhiga siyaasiga Mukhtaar Roobow,isla markaana cambaareeyey hab dhaqanka madaxweyne Farmaajo iyo ciidanka AMISOM .

Sidoo kale, waxa uu Faysal tacsi u direy dadkii ku geeriyooday rabshadihii ka dhacay magaalada Baydhaba, waxaanu arrintaasi ku eedeeyey madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo uu sheegay inuu u xuubsiimanayo kalitalisnimo iyo inuu ciidanka Amisom u adeegsanayo dadka ay siyaasadda isku hayaan.

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku yimid niyad wanaag iyo soomaalinimo, balse imika dhaqanka uu la soo baxay soomaali oo dhan buu khatar ku yahay, wuxuu ku dhaqmayaa Digtaytarnimo aan la arag oo aanu u hubsamaysan.”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Faysal waxa uu tilmaamay qodobo uu ku talaabsaday madaxweyne Farmaajo, taas oo uu tilmaamay inay dastuurka ka soo horjeedo, waxaanu yidhi “ waa markii ugu horeysay ee Muqdisho inuu nin xildhibaan ah gurigiisa ku weeraro oo uu dad ku laayo, waxa kale oo uu sameeyey dastuur jabin iyo heshiishyo qarsoodi ah oo Jabuuti iyo inagaba lidi ah, wuxuu wadda inuu dalbado ciidamo shisheeye ah oo Itoobiya iyo Eritrea uu yidhaahdo kaalaya xukunka ila xejiya.”.

Mar uu ka hadlayey Ciidamda AMISOM waxa uu sheegay inay farogalinayaan arrimaha siyaasadda ee wadanka Soomaaliya, waxaanu yidhi “waxaan cambaaraynaya ciidanka AMISOM oo wixii dalka loo keenay ka tagtay oo farogalisay siyaasadii wadankaasi gudihiisa oo dadka siyaasada isku haya u kala eexatay oo soo qabatay sheekh Mukhtaar Roobow, waxaan leeyahay ciidamda shisheeye meesha ha laga saaro .”.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
12/15/2018 11:00 AM EST
boqolaal shaqaale ah ayaa isagu soo baxay xarunta Amazon ee magaaladda shakopee ee gobolka Minnesota

12/15/2018 10:25 AM EST
Sabti, December, 15, 2018 (HOL)– Cabdi Faarax Saciid Juxa, oo ka mid ah musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada siddeeda Jannaayo sannadka 2019ka ayaa maanta gaaray magaalada xarunta ah ee Garoowe, halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

12/15/2018 9:20 AM EST
Sabti, December, 15, 2018 (HOL)–Xildhibaannada tiradooda lagu sheegay 135 mudane oo kulan qado ah ku yeeshay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa siweyn uga soo horjeestay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

12/15/2018 6:08 AM EST
Sabti, December, 15, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo shir jaraa'id ku qabtay hotelka uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ayaa ka hadllay xarigga Mukhtaar Rooboow iyo mooshinka madaxweynaha.

12/15/2018 5:07 AM EST
Sabti, December, 15, 2018 (HOL)-Warar hoose oo soo baxay ayaa sheegaya in hubkii laga dhigay ay wateen iyo gaadiid dagaal illaada C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo hadda ah la taliyaha Gudoomiyaha Golaha Ssacabka Somaliya horeyna u soo noqday Taliye ku xigeenka Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

12/15/2018 2:58 AM EST
Sabti, December, 15, 2018 (HOL)-War saxaafadeed ay wada jir u soo saaraan Beesha Caalamka ayaa looga hadlay xaalada ka soo kordhay magaalada Baydhabo, iyagoo sheegay inay ka walaacsan yihiin dhacdooyinka u dambeeyay ee ka dhacay Koofur Galbeed, gaar ahaan rabshadaha magaalada Baydhabo.

12/15/2018 12:59 AM EST
Sabti, December, 15, 2018 (HOL) – Militariga dalka Nigeria ayaa xayiraaddii ka qaaday dhaq dhaqaaqyada hay’adda UNICEF ee woqooyigga bari ee dalkaasi saacado ka dib markii ay hakisay howlaha hay’adda oo ay ku eedeeyeen inay u basaaseyso falaalada islaamiyiinta ah ee ku sugan gobolka aan dagganayn.

12/15/2018 12:53 AM EST
Sabti, December, 15, 2018 (HOL) – War ka soo baxay xafiiska wakiilka gaar ah ee howlgalka midowga Africa AMISOM Ambassador Francisco Madeira ayaa lagu sheegay in xafiiska midowga Africa uu si dhaw ula socdo xiisada siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed gaar ahaan magaalada Baydhabo.