Sabti, December, 15, 2018 (HOL) –
War ka soo baxay xafiiska wakiilka gaar ah ee howlgalka midowga Africa AMISOM Ambassador
Francisco Madeira ayaa lagu sheegay in xafiiska midowga Africa uu si dhaw ula
socdo xiisada siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed gaar ahaan magaalada
Baydhabo.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in
AMISOM marnaba qeyb ka aheyn xariga Mukhtaar Rooboow oo hadda ku jira gacanta
dowladda Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray in AMISOM mar walba ixtiraameyso
madax-bannanniada dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, daacadna ka yihiin xasiloonida iyo nabada Soomaaliya.
‘’Waxaan dooneynaa dhinacyada oo
dhan in ay ku dadaalaan sidii loo xalin lahaa xiisada siyaasadeed ee ka jirta
magaalada Baydhabo, iyo hubinta in si
nabad ay ah u dhacdo doorashada, AMISOM waxaa ay sii wadi doontaa la shaqeynta
dhaw ee dadka iyo xukuumadda Soomaalya’’ ayuu lagu sheegay qoraalka.
Wakiilka midowga Africa ayaa
sheegay in ay si gaar ah uga xun yihiin dadkii ku dhintay rabashadii ugu
danbeeyay ee ka dhacay magaalada Baydhabo isaga oo tacsi u diray qoysaskii ay
dadkaasi ka baxeen.
Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka
ah howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa maalintii shalay lagu arkayay
dariiqyada magaalada Baydhabo iyaga oo amaanka sugaya, kaddib markii ay
ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed u caal-waayeen in ay
xakameeyaan dadka dibadbax-yada dhigaya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]