4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 15, 2018
AMISOM oo ka hadashay xiisada ka taagan magaalada Baydhabo

 

Sabti, December, 15, 2018 (HOL) – War ka soo baxay xafiiska wakiilka gaar ah ee howlgalka midowga Africa AMISOM Ambassador Francisco Madeira ayaa lagu sheegay in xafiiska midowga Africa uu si dhaw ula socdo xiisada siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed gaar ahaan magaalada Baydhabo.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in AMISOM marnaba qeyb ka aheyn xariga Mukhtaar Rooboow oo hadda ku jira gacanta dowladda Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray in AMISOM mar walba ixtiraameyso madax-bannanniada dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, daacadna ka yihiin xasiloonida iyo nabada Soomaaliya.

‘’Waxaan dooneynaa dhinacyada oo dhan in ay ku dadaalaan sidii loo xalin lahaa xiisada siyaasadeed ee ka jirta magaalada Baydhabo, iyo hubinta in si nabad ay ah u dhacdo doorashada, AMISOM waxaa ay sii wadi doontaa la shaqeynta dhaw ee dadka iyo xukuumadda Soomaalya’’ ayuu lagu sheegay qoraalka.

Wakiilka midowga Africa ayaa sheegay in ay si gaar ah uga xun yihiin dadkii ku dhintay rabashadii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Baydhabo isaga oo tacsi u diray qoysaskii ay dadkaasi ka baxeen.

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa maalintii shalay lagu arkayay dariiqyada magaalada Baydhabo iyaga oo amaanka sugaya, kaddib markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed u caal-waayeen in ay xakameeyaan dadka dibadbax-yada dhigaya.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]