4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 14, 2018
Wasaarradda Amniga oo War ka soo saartay xaalada magaalada Baydhabo

 

Jimco, December, 14, 2018 (HOL)- Qoraal ka soo baxay Wasaarradda Amniga Gudaha Soomaaliyaa looga hadlay xaalada nabad-galyada magaalada Baydhabo oo wali ay ka socdaan rabshado ka dhashay xarigga Mukhtaar Rooboow oo maalintii shalay bartamaha magaalada Baydhabo ka qabteen ciidamada Itoobiya.

Wasaarradda ayaa ugu baaqday shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo in ay ka shaqeeyaan nabad-galyada iyo xasiloonida si dhawna ula shaqeeyaan madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Sheekhu-na Maye.

Sidoo kale Wasaarradda Amniga ayaa sheegay in ay kala shaqeyneyso mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed qabsoomida doorasho ku dhacda si xor ah oo xalaal, inta ka horeysanaya bulshada magaalada looga baahan yahay in ay si dhaw ula shaqeeyaan ciidamada nabad-galyada.

Wararkii ugu danbeeyay ee ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah gudaha u galleen magaalada kadib markii ay xoogeysteen rabshadaha iyo dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed. 

Akhriso Qoraalka ka soo baxay Wasaarradda :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]