3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 14, 2018
Dowladda Qatar oo bilaabeysa dhismaha Dekedda Hobyo

 

Jimco, December, 14, 2018 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti, ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay dawladdiisu bilaabayso mashruuca dhismaha dekadda Hobyo ee gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa qorshaha billaabidda mashruucaan ka sheegay kulan gaar ah oo ay wada qaateen ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xassan Cali Khayre, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, oo kulanka qayb ka ahaa ayaa sheegay in wasiirka dekaduhu uu ra’iisul wasaare Khayre ka ballan qaaday in sida uga dhaqsaha badan ay u bilaabmayso dhismaha dekadda si ay uga faa’iisaystaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), ayaa bishii Jannaayo ee sannadkaan ayaa dhagax dhigay mashruuca dhismaha dekadda Hobyo, waxaana horraantii bishii July qiimayn ku tegay wafdi ay hoggaaminayo wasiirka dekadaha XFS, Maryan Aways, oo ay qayb ka ahaayeen khuburo ka socoto dalka Qatar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
12/14/2018 12:56 PM EST
Jimco, December, 14, 2018 (HOL)- Qoraal ka soo baxay Wasaarradda Amniga Gudaha Soomaaliyaa looga hadlay xaalada nabad-galyada magaalada Baydhabo oo wali ay ka socdaan rabshado ka dhashay xarigga Mukhtaar Rooboow oo maalintii shalay bartamaha magaalada Baydhabo ka qabteen ciidamada Itoobiya.

12/14/2018 8:48 AM EST
Jimco, December, 14, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki oo kulamo wadatashi ah ku yeeshay Villa Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

12/14/2018 6:04 AM EST
Jimco, December,14, 2018 (HOL)-Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa magacaabay guddi xalliya khilaafka hey’adaha fulinta iyo Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

12/14/2018 3:38 AM EST
Jimco, December, 14, 2018 (HOL)- Ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqadir Shariif Sheekhu-na Maye ayaa ku baaqay in la joojiyo dibadbaxyada ka socda magaalada Baydhabo.

12/14/2018 2:41 AM EST
Jimco, December, 14, 2018 (HOL)-Ardayda maqalka naafadda ka ah ee dhagooleyaasha ayaa mudaharaad ka dhigay magaalada Boorama, waxaanay diidanayeen maamulka dugsigoodoo oo ay sheegeen in aanu aqoon farta dhagooleyaasha.

12/14/2018 1:58 AM EST
Jimco, December, 14, 2018 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in goor dhaw ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya toogasho ku dileen xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

12/14/2018 12:50 AM EST
Jimco, December, 14, 2018 (HOL)-Wali xiisad ayaa ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay kaddib dagaal culus oo maalintii shalay ka dhacay bartamaha magaalada kaa oo ka dhashay xarigga Mukhtaar Rooboow Abuu-Mansuur.