4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 14, 2018
Aqalka sare oo Guddi u saaray khilaafka u dhaxeeya hey’adaha fulinta iyo Golaha Shacabka

 

Jimco, December, 14, 2018 (HOL)- Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa magacaabay guddi xalliya khilaafka hey’adaha fulinta iyo Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Xog-hayaha Guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cali Maxamed Jaamac ,ayaa Warbaahinta Qaranka uga warramay Guddigaas lamagacaabay iyo Shaqooyinka uu qabanayo, wuxuuna Xubnaha Guddigan kula dardaarmay in ay la yimaaddaan isku-duubni, dhex-dhexaadnimo wax ku ool ah iyo inay u howl-galaan caddaalad.

“Guddoomiyaha Aqalka Sare Waxaan xubnaha Guddigan kula dardaarmayaa isku duubni, dhexdhexaadnimo wax ku ool ah iyo inay u howl galaan si aan dhinac raac laheyn caaddaaladna ku shaqeeyaan” sidaas waxaa sheegay Xogayaha Aqalka Sare, Cali Maxamed Jaamac.

Xubnaha Guddigan uu ka kooban yahay ayaa kala ah Sanater, Cabdirisaaq Cismaan Xasan Juurinle,Gudoomiye, Cabdi kaafi Macallin Xassan , xubin, Cabdi Axmed Dhuxulow, Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex, Cabdullaahi Cabdi Garoon ,Yuusuf Geelle Ugaas ,iyo Sanater Cabdirisaaq Axmed Cali.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]